|

Dawlada Serbia “Somaliya waxaan usoo diraynaa Ciidamo”

Serbia-(MMedia)-Xoghayaha guud ee Wasaaradda gaashaandhiga dalka Serbia Tanja Miscevic ayaa sheegtay inay ka qeyb qaadan doonaan howlgalka nabad ilaalinta ee ka soconaya wadanka Soomaaliya islamarkaana ay usoo diri doonaan dalka Soomaaliya Saraakiil iyo ciidamo la shaqeeya AMISOM.

Tanja Miscevic ayaa waxa ay dhanka kale sheegtay inay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka lagula jiro burcad badeeda Soomaalida ee afduubta maraakiibta shisheeyee, waxaana ay tibaaxday Xoghayahu inay gacan ka geysanayaan tababarida ciidamada dowladda KMG si ay awood ugu yeeshaan  sugida amaanka.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata Haweeneyda u hadashay Wasaaradda gaashaandhiga ee Serbia ayaa waxa ay sheegtay in dowladeeda  Saraakiil bada ah oo ka qeyb qaata howlgalka Atlanta iyo dhaqaatiir caafimaad ay u diri doonto  dalka Uganda kuwaasi oo caawin doona ciidamada dowladda KMG ee tababarada ay uga socdaan dalkaasi iyo kuwa dagaalka kula jira burcad bnadeeda.

Serbia Waa dawlad ka tirsan Midowga Yurub waxayna ku dhawaaqday in ay ka mid noqonayso ciidamadeedu kuwa somaaliya jooge ee Amisom waana dawladii ugu Horaysay oo yuruba oo arinkaasi ka dhawaajisa..

Maakhir Media Serbia.

Comments are closed