|

Mucaaradka oo Bartamaha u fadhiya Caasimada Tripoli

Triply-(MMedia)-Mucaaradka Libya aya gudaha u galay Caasimada  dalkaasi waxaa shaaricyada lagu arkayay  mucaaradka oo damashaad la boodboodaya iyadoo ay calanka dalkaasi ruxayen waxana ay sidoo kale dhulka ku jiideen sawirkiiqadaafi kaasi oo ay in muda ah la dagaalamayeen.

Telefishanka al-Jazeera ayaa ku soo waramaya in ciidankii sida gaarka ah u ilaalin jirey Qaddafi ay isu dhiibeen mucaaradka, sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in wiilkii u weynaa caruurta Qaddafi oo la dhaho Maxamed uu isu dhiibey ciidanka Mucaaradka, sidoo kale waxaa Mucaaradku gacanta ku dhigeen Sayf al-Islam Qadaafi oo isagu dalka wax ka maamulaayey.

Dagaalka ayaa isla fiidnimadii Axadda gaarey halka loo yaqaan Barxadda Cagaaran (Green Square), halkaas oo ahayd goob habeenkasta la keeni jirey xoogaa dad ah oo taagersan Qaddaafi kuwas oo sawiradiisa ku dhunkada halkaas kuna dhawaaqa “Allaah, Mucammar, Liibiya wa Bes”

Mid kamida mucaardka oo la hadlaya Tv-ga Aljazeera isagoo shegay “Aad ayaan u faraxsanahay waayo mudo badan ayaan ku jiray ud gumaysi maanta laakin ma ihi  Alaahu akbar waan faraxsanahay  waana guulaysanay”Hadalkaasi waxaa yiri mid kamida mucaaradki la dagaalamayay Qadaafi.

Mucaaradka ayaa dhankooda sheegtey in ay qabteen wiilkii Qaddaafi ee la aaminsanaa in uu dalka wax ka maamulaayey dalka Liibiya Sayf al-Islaam. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku soo waramaysa in dacwad oogaha Maxkamdda ICC ee The Hague uu xaqiijiyey in gacanta lagu hayo Sayf al-Islam isla markaana uu ku sugan yahay meel aamin ah. Maxkmadda ICC ee The Hague ayaa waaran in la qabto ah u goysey Sayf al-Islam iyo Aabihiis Qadaafi.

Telefishanka dalka Liibiya oo weli hawada ku jira isaga Signalkiisu xun yahay ayaa soo tebiyey saacaddu markey ahayd 23:30 waqtiga Liibiya, fariin ka timid caqiidka Liibiya ee gabalkiisi dhacay Mucamar al-Qaddaafi, waxaana uu fariinta ku sheegay in uu dalka ku sugan yahay isla markaana xukunka ka degayn!.

Qaddafi ayaa lagu waramayaa in uu ku sugan yahay xaafadda keliya ee Mucaaradku aysan weli gelin ee Baab Al-Casiisa, waxaana Mucaaradku shaki geliyeen joogitaanka Qaddaafi ee Tripoli.,

Mudo lixbilood ah ayay la dagalameeyn ciidmada qadaafi mucaaradku iyadoo ay doonayeen is bedel doon taasi oo ay dagaal adag la galeen ciidamda daacada u ahaa qadaafi kadib waxa weerar dhanka cirka ah ka caawinayay Ciidamada NATO kuwaasi oo jabiyay ciidamdi qadaafi waxa ay hada damaashaad la dhexmarayaan xaafadaha iyo  meesha lo yaqaano Barxada Cagaaran taasi oo fiidkiiba soo gaadhay dagaalku.

Maakhir Media Triply

Comments are closed