|

Mucaaradka libiya oo kusii siqaya Caasimada

Triply-(MMedia)-Qaraxyo iyo rasaas ayaa laga maqlayaa qeybo ka mid ah magaalada, waxaana la sheegayaa in kacdoon ka bilowday gudaha magaalada walow ay sidoo kale ciidamada NATO iyana caawa duqeeyeen.

Arrinkan ayaa imaanaya xilli maalmihii u dambeeyay kooxdaha mucaaradka ay ku soo siqayeen caasimadda.

Dhanka kale madaxweynaha dalka Libya Mucammar Qaddafi oo calay hadlay ayaa walli ku adkeysanaya in uu yahay madaxweynaha dhabta ah ee Libya, waxaa uu cambaareeyay weerarada NATO iyo kooxaha mucaaradka.

Xukuumadda Qaddafi ayaa beenisay in dagaalo ka socdaan gudaha magaalada Tripoli, balse waxa ay xaqiijiyeen in kooxo mucaaradka ka mid ah ay hal-hal u soo galeen gudaha si ay u qasaan.

Lama oga xaalda dhabta ah ee magaalada Tirple maka cararai doonaa Qadaafi mise waa sii xoogaysan doonaa laakin mucaaradku waxaa uu cadayeyey in uu gudaaha ugu jiro caasimada halka uu ku dhawaaqay qadaafi in aanay soo galin.

Maakhir Media Triply

Comments are closed