|

Fanaanka Caanka ah ee Kaynan oo Muqdisho Maanta Yimi

Muqdisho-(MMedia)-Fannaanka Soomaaliyeed ee  caanka ah ee lagu magacaabo Keeynaan Cabdi Warsame oo maanta yimid magaalada Muqdisho ayaa booqasho ku tagay isbitaalka hooyada iyo Dhallaanka Bannaadir oo ay jiifaan bukaanno isugu jira Caruur, Haween iyo dad da’ah.

Fannaanka oo ay si heersare ah amaankiisa u sugayeen ciidamada ammaanka ayaa waxa uu ku soo wareegay qeybaha cisbitalkaasi isagoo mid mid u gacan qaaday bukaannada jiifa Cisbitalkaasi.

Keynan oo  ugu waramay warbaahinta isagoo ku sugan gudaha Cisbitalka ayaa sheegay in ujeedada uu dalka u yimid ay tahay in uu dhibaatada la qeybsado dadkiisa Soomaaliyeed isla markaana uu kor u qaado dareenka caalamka eek u aadan sidii wax loogu qaban lahaa dadka abaaruhu saameeyeen.

Fannaanka Keynaan oo ka mid ah fanaaniinta ugu caansan caalamka ayaa booqashadiisu muujineeysaa dareenkiisa wadaniyadeed ee ku aadan sida uu uga damqanayo dhibaatada heysata dadka Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka.

Fanaanka caanka aha ee kaynaan ayaa  kamid ah fanaanintaa aduunka aadka  looga jecel yahay iyadoo uu ad ugu soo caan baxay  Word Cup kii waxaan uu ka luxay calanka Somaaliyeed isagoo muujinayay halka uu ka soo jeedo  habeenkaasina ay ahayd haben  ay umada Somaaliyeed hamigoodu uu aad u kacay waxayna kor u aaday sumcada Somaaliya.

Maakhir Media Muqdisho.

Comments are closed