Diyaarad laga leeyahay dalka Iran oo Gargaar keentay Muqdisho
Muqdisho-(MMedia)-Diyaarad laga leeyahay dalka Iran oo sida raashin gar gaar ayaa maanta waxa ay kasoo dagtay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho taasi oo la sheegay in raashinka ay wado uu yahay 39-tan oo loogu tala galay dadka ku dhibaateysan magaalada Muqdisho.
Raashinka ay sido Diyaarada ee laga soo dajiyay Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ka mid ah digir iyo rooti habeysan oo nafaqeysan, waxaana halkaasi kaga gudoomay Mas’uuliyiinta Guddiga abaaraha dowladda KMG Soomaaliya sida Idaacadda Shabelle ay u sheegeen dad ku sugan Garoonka.
Saraakiil ka tirsan Guddiga abaaraha dowladda KMG Soomaaliya ee dowladda Iran ka gudoomay raashinka gar gaar ayaa waxa ay sheegeen in maalmaha soo aadan raashinkaani ay u qeybin doonaan qoysaska ku dhibaateysan magaalada Muqdisho ee kasoo barakacay abaaraha ka jira qaar mid ah gobolada Soomaaliya.
Maakhir Media Muqdisho.
