|

Xildhibaanka Kamakunji ayaa Markii Ugu Horaysay soo Bandhigay Wax Qabadkiisa

Nairobi (MMedia)  - Xildhibaanka cusub ee deegaanka Kamakunji  ayaa ballan qaaday inuu ku dadaali doono sare u qaadida adeegyada aasaasiga ee ah deegaanka Kamakunji  gaar  ahaanna xaafadda Eastleigh.  

Isagoo waraysi  gaar ah siiyay  shabakadda Hiiraan Online ayuu yuusuf  sheegay inuu wax ka qaban doono waddooyinka burbursan ee Islii, soo celinta bilicda xaafadda iyo waliba sare u qaadidda ammaanka.

“Wakhti badan  ma haysanno oo bilo yar  kadib , waxaa dalka ka dhacaya doorashooyinka guud ee baarlamaanka iyo madaxtinimada, laakiin waxaan ku dadaali doonaa  inta aan haysanno inaan uga faa’iideeyo dadkayga”. Ayuu yiri xildhibaanku.

Yuusuf  oo ku guulaystay doorashadii Kamakunji ka dhacday  2 maalmood ka hor ayaa ammaan u soo jeediyay mudanihii la tartamayay  ee Ibraahim Axmed (Johnnie) , isagoo ka dalbaday inuu kala shaqeeyo  sidii wax loogu qaban lahaa dadka Kamakunji  iyo  sidii  loo baabi’in lahaa  kala qaybsanaanta ay keentay intii  ay doorashadu socotay.

“Walaalkey  Ibraahim  waan ogahay wuxuu isu taagay inuu dadkiisa wax u qabto haddana  hawshu way inuu wada taallaa, gaar  ahaanna sidii  loo adkayn lahaa midnimada bulshada Soomaalida ee dalka Kenya”. Ayuu sii  raacshay Yuusuf.

Xildhibaanka cusub ee deegaanka Kamakunji  ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay  inuu la dagaallami doono musuqmaasuqa hareeyay guud  ahaan dalka Kenya , gaar  ahaanna deegaanka isaga laga soo doortay.

Yuusuf  waxaa  uu  mahad  ballaaran  u  jeediyay  ummada Soomaaliyeed  oo uu ku tilmaamay inay garab istaageen xilligii doorashada iyo markii la doortayba.

“Mahad ayaan u celinayaa ummada Soomaaliyeed, markii la i doortay  meel walba ayay iga soo waceen,  gaar ahaanna qurbo joogta oo meel walba iga soo hambalyeeyay, taasina waxay ii tahay farxad”. Ayuu yiri Yuusuf.

Yuusuf  Xassan oo ah xildhibaankii ugu horreeyay  ee  Soomaali ah oo  kasoo gala deegaanka Kamakunji  iyo guud ahaanba Nairobi  ayaa looga fadhiyaa inuu ka dhabeeyo ballaanqaadyadii uu sameeyay xilligii doorashada, iyadoo ay hortaallo hawlo waawayn oo ay kamid tahay la xisaabtamidda dawladda hoose ee  Nairobi oo lagu eedeeyo inay  indhaha ka daboolatay dayaca ka jira  xaafadda Eastleigh.

Maakhir Media Kenya

Comments are closed