Jen: Ilka Jiir oo Ka Dayriyay Xaalada ay Ku sugayn Yihiin Dadkii Abaaraha Kasoo Barakacay ee P/land Ku Sugan
Boosaaso(MMedia) Iyadoo ay soconeyso gurmad xoog leh oo loogu jiro sidii loo samata bixin lahaa dadka abaaraha ku saameyen qaybo badan oo ka mid ah dalka somaliya,waxaa dhinaceedana Puntland ay sheegtay in ay jirto dad ku abaareysan Puntland.
Wasiirka arimaha gudaha Puntland C/llahi Axmed jamac ayaa sheegay in ay Puntland soo gaadheen 8,000 oo qaxtooti ka soo barakacay abaaraha ka jira koonfurta dalka somaaliya.
Mudane Ilka jiir ayaa sheegy in dadkaasi ku dhibaateysan yihiin gudaha iyo daafaha Magaaloyinka Puntland oo sheegay in xaalad ku heysto.
isagoona uga mahad celiyay dawalada kuwait gargaarka horudhaca ah ee soo gaadhsiisay dadkasi abaarta ka soo barakacay ee ku sugan deegaanada Puntland.
Waxaana uu dawladaha kale ee deeqaha bixiya ugu baaqay in ay ka qayb-qaataan taageerada la siinayo dadka abaarta ku heshay gudaha Puntland iyo kuwa ku dhaqan Koonfuta dalka soomaliya.
dhinaca kalena Wasiirka arimaha gudaha Puntland C/llahi Axmed Jamac ayaa uga mahad celiyay xiriirka ay dawlada Kuwait la soo sameysay Puntland oo ku aadan sidii loo taakuleyn lahaa dadka abaarta ku heyso Puntland.
Ugu danbeytiina Puntland waxaa soo gaadhay dad farabadan oo ka yimid qaybaha kala duwan ee somalia,gaar ahaan kuwa ka soo barakacay meelaha sida aadka ah u heshay abarta Soomaaliya.
Maakhir Media Boosaaso
