Gudoomiyaha Midowga Afrika Jon Bin oo soo Gaadhay Muqdisho Maanta
Muqdisho-(MMedia)-Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho soo gaadhay wafdi kasocoda Midowga Afrika Kaasi oo uu Madaxwayanaha DKMG ee Somaaliya uu ku qaabilay aqalka Madaxtooyada ee Villa Somaaliya.
Wafigan oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiyaha Midowga Afrika Jon Biin ayaa waxa ay kulan la qaateen Madaxweyne Shariif Sh. Axmed R/wasaraha dalka iyo Guddoomiyaha Baarlamanka waxa ayna ka wada hadleen arimo ay ka mid yahiin Amniga, Siyaasadda iyo horumarrada laga sameeyay howlgallada dalka looga si feeynayo Al shabaab.
Markii uu kulanku soo idlaaday kadib ayaa waxaa si wadajir ah shir jaraa’id u qabtay Madaxweynaha iyo guddoomiyaha Midowga Afrka waxaana ugu horeeyn hadlay Madaxweeynaha dalka Shariif Sheekh Axmad oo ka mahadceliyay imaanshaha wafdiga ee magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay madaxweeynaha in amniga ka hirgalay Magaalada Muqdisho ee suurta galiyay in dalka ay yimaadaan wafdi heer caalami ah, isagoo amaan u soo jeediyay cidamada XDS iyo kuwa Amisom.
Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha Midowga Afrika oo sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu soo gaaro dalka isagoo soo dhaweeyay horumarka ay ciidmada qalabka sida ee Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta Midoga Afrika ee Amisom ay ka sameeyeen howlgalka lagula dagaalamayay Al shabaab.
waxa uuna xusay Jon Bin in dowladda Al jeeriya ay ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen Toban Milyan islamarkaana laga bixin doono shirka 25 bishan lagu qabandoono magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya oo uu soo qaban qaabiyay Midooga Af rika.
Waa wafdigii labaad ee maanta yimaada Magaaalada Muqdisho kaaso oo ay la kulmeen madaxda saree Ee dawlada iyado ay kala hadlayen xaalada dalka iyo sidii looga wada shaqayn lahaa amaanka iyo Horumarka dalka iyo sidii dadka abaaruhu saameyeen wax loogu qaban lahaa ,xaalada aad u daran ayaa ka taagan Somaaliya iyadoo ay dad badani gaajo la daalaa dhacayaan.
Maakhir Media Muqdisho
