|

Wafdi ka socda Dawlada Emirat-ka oo Soo gaadhay Muqdisho

Muqdisho-(MMedia)-Wafdiga ka Socday Imaaraadka Carabta oo u kuur galayey Xaaladda dhabta ah ee ay ku suganyihiin dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu Sameeyeen Wiilka leh dhaxalka Boqortooyo ee Imaaradka ee uu dhalay Boqorka dalkaasi Sheekh Khaliifa Bin Thaani ayaa soo gaadhay Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa loogu soo dhoweeyey si diiran ayadoo kadib loosoo galbiyey aqalka Madaxtooyada oo uu ku qaabillay Madaxweynaha DKMG ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheeh Axmed.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahad celiyey Wafdiga ka socda Imaaraadka Carabta gaar ahaan qoyska leh dhaxalka Boqoortooyada Booqashadan ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho ayadoo kadibna Madaxweynuhu Faah Faahin ka bixiyey Xaaladda dalka iyo Sida ay Abaaruhu u Saameeyeen.

Dhaxal sugaha Boqortooyada Imaaraadka Carabta oo isna kulankaasi kahadlay ayaa sheegay in ujeedada uu u yimid magaalada Muqdisho ay tahay in uu ogaado xaaladda ay dadka Soomaaliyeed ku sugan yihiin islamarkaana xaaladda dalka uu ugudbinayo Shacbiga iyo Boqortooyada dalkaasi waxuuna Shaaca ka qaaday inay lagama maarmaan tahay in dowladdaha Carabtu wadajir ugu soo jeestaan sidii Xaalada Dalka Soomaaliya gaar ahaan dhanka Abaaraha wax looga qaban lahaa.

kadib ayaa Wafdigan ka socday Boqortooyada Imaaraadka Carabta waxa ay kormeer ku tageen xerooyinka ay dadka Barakacayaasha ah degenyihiin ee magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ugu kuur galeen xaaladda dhabta ah ee heysata dadka Abaaraha uga soo Barakacay gobollada dalka iyagoo oo Kormeerkaasina kadib dib ugu Laabtay dalkoodii

waxaa dalka si aada ugu soo qulqulaya Masuuliyiinta kakala socota dawaladaha Islaamka iyadoo maantana u yimi dhaxal sugaha Boqortooyada Emirats halka uu shalayna yimi Raysal wasaaraha Dawalada Turkiga Rajab Tayib Erdogan.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed