Wasiirka Amniga P/land Muxuu Ka Yiri Shaqaaqadii shalay Ka Dhacday Baargaal
Boosaaso(MMedia)
Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo ka mid ahaa xubno wasiiro ah oo tagay degmada Baargaal ee gobolka Bari ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen kooxo dablay hubaysan ah oo shalay dagaal adag la galay ilaalada wafdigii gaaray halkaasi.
“Markayagii hore waxaan u baxnay inaan kormeer ku soo samayno deegaanada gobolka Bari ,laakiin waxaa naga hor-yimid kooxo danbiilayaal ah “ayuu yiri wasiirka amniga oo la hadlay idaacadda Daljir ee Bosaaso,waxaana uu xusay in xalay ay ku hoydeen halka uu iska hor-imaadku ka dhacay.
Waxaa kaloo wasiirka amniga uu sheegay in ragga weerarka soo qaaday ay ka tirsanaayeen kooxaha burcad badeedda ee ku sugan xeebaha Puntland,iyadoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in kooxaha dablayda ah ay hoos-tagaan maamulka Raasa-Casayr oo sanadki hore looga dhawaaqay gobolka Bari.
“Hadda waxaan ku suganahay Baargaal annaga oo qorshaynayna inaan la kulanno odayaasha deegaanka si ay warbixin nooga siyaan xaaladda gobolka “ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka oo xusay in ay ka hortagayaan cid kasta oo dhibaato ku haysa amniga Puntland.
“kooxda na weerartay waxay nagu soo qaadeen laba weerar meel 20-km u jirta degmada Baargaal,waxayna ku hubeysnaayen qoryaha BKM iyo Baasuukeyaal,iyaga iyo hubkooda waxaan ku guuleysanay in aan gacanta ku dhigno”ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka oo ay ka muuqatay in uu ka xunyahay khasaarihii labada dhinac kala gaaray oo dhaawac u badnaa.
Wafdiga halkaa gaaray waxaa kamid ahaa wasiirka arimaha gudaha C/llaahi Axme jamac,wasiirka maaliyada Faarax Cali shire ,wasiirka ku-xigeenka arimaha gudaha Cali Xoosh,wasiir ku-xigeenka amniga C/jamaal Cismaan iyo qaar kamid ah saraakiisha nabad -sugidda Puntland.
Ugu danbayntii wafdigan ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay booqdaan degmooyinka Xaabo,Xaafuun iyo Caluula ,waxaana kulamada maanta ay la qaadanayaan odayasha Baargaal looga wada hadlayaa arimo la xiriira amniga iyo horumarinta.
Maakhir Media Boosaaso
