Raysal wasaaraha Turkiga Oo Muqdisho soo gaadhay iyo Booasho uu ku tagay qayba kamida Xeryaha Qaxootiga+Sawiro
Muqdisho-(MMedia)-Ra’isulwasaaraha dalka Turkiga Rejip Tayyip ordoğan Wafdi Balaaran oo uu hogaaminayo ayaa goor dhowd kasoo degeen Garoonka Diyaaradaha Ee Aadan Cade kaasi oo si aada loogu soo Dhaweeay.
Ra’isulwasaare Recep Tayyip Erdoğan ayaa waxaa socdaalkiisa ku weyhliya Marwadiisa, xubno katirsan golaha Wasiiradda dalkaasi oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Caafimaadka dalka Turkiga,Dhaqaatiir iyo Fanaaniin si’aad ah looga yaqaano dalkaasi.
Munaasabad aad u balaaran oo lagu soo dhoweynayo Wafdiga Ra’isulwasaare Recep Tayyip Erdoğan ayaa ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaana garoonka kusoo dhoweeyey Madaxweynaha ,Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Ra,isulwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya.
Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Salaan Sharaf ku siiyey gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Ra’isulwasaaraha dalka Turkiga ayadoo gudaha garoonkana lagu xardhay Sawirka Ra’isulwasaare Recep Tayyip Erdoğan iyo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo sidoo kale Callamada Labada dal ee Walaalaha ah .
Markii lasoo dhoweeyey kaddib ayuu Ra’isulwasaaraha dalka Turkiga iyo Wafdigiisa waxa ay booqasho ku tageen Xerada Rajjo ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir halkaasi oo ay ku jiraan Kumanaan Qoysas ah oo Abaarta dalka Saameeysay darteed uga soo barakacay gobollada dalka ayadoo uu Ra’isulwasaare Recep Tayyip Erdoğan uu mid mid u eegay xaalada ay ku suganyihiin dadka Barakacayaasha ah ee xeradaasi ku jira ayadoo dhaqaatiirta la socotana ay durba bilaabeen inay baaritaanno caafimaad iyo Baxnaaninba u sameeyaan Barakacayaasha taasi oo ay bar bar socoto deeq la siinayo dadka Xeradaasi ku jira.
Ra’isulwasaare Erdoğan ayaa tilmaamay in booqashada uu maanta Muqdisho ku yimid Wafdigani dowladda Turkiga ka socda guul usoo hooyatay Shacbiga Soomaaliyeed waxaase uu dhanka kale baaq u diray kooxo Burcad Badeed ah oo gacanta ku haya Muwaadiniin u dhashay dalkaasi oo uu ka codsaday inay Si sharuud la’aan ah kusii daayaan ayaga oo eegaya Sida uu Mr Erdogan ugu damqaday dhibaatada Shacbiga Soomaaliyeed heysata.
Waxa uu kaloo Booqan doonaa Ra’isulwasaare Recep Tayyip Erdoğan Xerooyinka kale ee magaalada Muqdisho oo ay kamid tahay xerrada ugu weyn ee Barakacayaasha Muqdisho ay ku noolyihiin ee Badbaado halkaasi oo ay Dowladda Turkigu deeqqo ka qeybin doonto.
Waa markii ugu horaysay e wadi noocan oo kale ah ay soo gaadhaan dalka iyadoo uu wafdigani hogaaminayo Raysa wasaraha Turkiga Mr Ordogaan kaasi oo booqan doona Xeryaha ay ku nool yihiin dadka abaaruhu saameyeen iyo kua dagaaldaba ka soo qaxay .
Maakhir Media Muqdisho.
