|

Ciidamo Commandos Turki ah oo soo Gaaray Magaalada Muqdisho

Muqdisho(MMedia) Ciidamada si gaarka u tababaran ee Dalka Turkiga ayaa ka degay Casimada Muqdisho si ay us ugaan amaanka R/wasaaraha Turkiga oo lagu wado inuu booqda Maalinta beri ah Magaalada Muqdisho  Ciidamdan oo tiradooda  lagu qiyaasay 150 Commandos ah ayaa la geeyay Madaarka iyo Vila Soomaaliya

Ciidamdan oo ay soo daadgureeyeen Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee Helicopterska  kuwaasoo kasoo duulayay Maraakiibta dagaalka ee turkiga oo ku sugan Xeebaha Muqdisho

Amaanka R/wasaaraha waxa ka qayb qaadanaya Ciidama Amisom,Ciidama Qaranka Soomaaliyeed iyo Ciidamda sida gaarka ah u tababrane ee Turkiga waxaana lagu daadiyay wadooyinka iyo weliba goobaha loo cayimay ee uu booqan doono R/wasaaruhu oo ay ugu horeeyaan Madaarka iyo Villa Somaliya waxa kale oo ka qayb qaadanaya amaanka Ciidamo dharcad ah oo jidkasta la dhoobay

Waxa kale oo diyaargarow ku jira shacabka Muqdisho oo wata labada calane ee kala ah ka soomaaliya iyo ka Turkiga waxa kaloo dadka qaar xidhan yihiin funaanado ay ku sawiran yihin Madaxweyne shariif iyo R/wasaaraha Turkiga

Hadaba waxaynu sugnaaba waa imaanshiyaha Mr Ordegan oo noqonaya R/wasaarihii ugu horeeyay ee ka socda wadama Yurub oo soo booqda Magaalada Muqdisho in Mudo ah

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed