Ciidamda P/land oo Cagta Mariyay Maleeshiyo Taabacsan Maamul Isku Magacaabay Raascasayr
Boosaaso(mmedia) Waxaa maanta iska hor imaad ka dhacay duleedka magaalada Baargaal ee Gobolka Bari, kadib markii halkaas ay gaareen wasiiro ka tairsan maamulka Puntland. Wasiiradan oo ay la saocdeen ciidamo isugu jira ilaaladooda iyo kuwa daraawiishta ayaa Maleeshiyo Taabacsan maamulka Raas Casayr ay dagaal kala hortageen, waxaana Ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen koox ka mid ahayd Maleeshiyaadkii soo weeraray waxaanay u jeedadoodu ahayd inay maleeshiyadaasi isku dayeen in wefdiga Puntland ay u diidaan deegaanada hoosyimaada degmada Baargaal.
Dagaalkan oo ahaa mid lasii qorsheeyay dabadana ay ka riixayeen koox sheegata Maamul Goboleedka Raascasayr ayaa firxadkoodii lagu daba jiraa waxaana deegaanda hoostaga Baargaal iminka booqashooyin ku kala bixinaya Wefdi Puntland ah ka koobnaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Kan Amniga iyo Maaliyadda, waxaana horey Tuulada Xaabo ugu sugnaa Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Puntland kaas oo la sheegay in uu ka mid yahay Wefdiga hadda ku sugan Baargaal
Maleeshiyadan lasoo majarahabaabiyay ayaa u bacbac dhigiwaayay Ciidamda P/land waxaanay noqdeenw ax gacanta lagu dhigay iyo wax cagaha wax ka dayay waxaana firxadkoodii lagu sheegayay iyagoo sii yaacaya meelaha baadiyaha ah
Wararka u danbeeyey ayaa sheegaya in Wasiiraddii maamulka Puntland ay ku sugan yihiin Baargaal, waxaana ay caawa kulamo la qaadanayaan waxagaradka Baargaal.
