Yuusuf Xasan oo Ku Guulaystay Doorashadii Kamukunji ee Magaalada Nairobi
Nairobi(MMedia) Waxa si rasmi ah ugu guulaystay doorashadii kursiga Kamukunji ee magaalada Nairobi. Hay,ada madaxa banaan ee doorashooyinka kenya IIEC oo dhawaan ku dhawaaqday natiijadan kama danbaysata ah ayaa sheegtay in mudane Yuusuf helay codad gaaraya 19 030, halka qofka ugusoo dhaw oo ah mudane Ibrahim Johny (ODM) uu helay 15 476 cod.
Waa markii ugu horaysay ee taariikhda Kenya uu qof soomaali ahi kasoo galo baarlamaanka magaalda Nairobi, iyadoo guusha Yusuf Xassan Indha-Gamuun ay guul u wada tahay soomaalida Kenya, siiba kuwa ku dhaqan Nairobi
