|

Jilibo Ka Mida Beesha Majeerteen oo Qaadacay Golaha Deegaanka Boosaaso

Boosaaso(MMedia) Ka dib markii lagu guulesytay in la dhiso golaha deeganka degmada bosaso,ayaa hadana waxaa soo baxaya Qaadacad ka imanaaneysa beelaha qaar ee qaybta ka ah golaha deeganka degmada boosaso.

Beelaha Cismaan Maxmuud iyo Wabeeneye oo ka mid ah beelaha daga gobolka bari ayaa Qoraal ay soo saareen Oo maanta oo Khamiis ah ay soo gaadhsiiyen Xafiiska RBC Radio Ee Boosaso waxaa ay ku sheegen Sidan.

DOWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYA:

Ku:- Guddiga Dhismaha Gollaha degaanka Degmadda Bosaso

Ku:- Guddoomiyaha Gobolka Bari.

Ku:- Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose

Ku:-Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland

Ku:- Hay’adaha Caalamiga

Og:- Madaxweynaha Puntland

Og:- Isimada iyo Nabadoonada Gobolka Bari.

Ujeedada:- Qaadacaad Ka mid Noqosho Gollaha degaanka Bosaso

Annagoo kala ah Beelaha Cismaan Maxamuud iyo Wabeeneeye, Waxaan guddiga dhismaha Gollaha Degaanka Degmada Bosaso u soo gudbinaynayaa in aanu kala baxnay, Qaadacnayna Xubnihii noo matalayay Gollaha Degaanka Degmadda Bosaso, ka dib markii ay dhacday arrimaha soo socda:-

1. ku xadgudub, iyo Meel kadhac lagu sameeyay sharcigii Dhismaha Gollaha Degaanka Degmooyinka, ee sharciga Lambar 7 (Law Number 7), Kaasoo xadidayay Xubnaha Gollaha degaanka ee degmo kastaa yeelana karto, sida A:-27 Xubnood, B:- 21 xubnood, iyo C:- 17 Xubnood,

2. Arrinta Gollaha degaanka ee degmadda Bosaso waa mid Dowladdu ka leedahay dano gaar ah, sababtoo ah gollihii Degaanka hore Markii lakala diray, Waxay u magacowday wasiir ka mid ah Dowladda, Wuxuuna Wasiirku gacanta ku hayay muddo sanad iyo Bar ah. Taasoo sharcigu yahay 45 cisho mudada u dhexaysa Labada golle.

3. Markasta oo la’isku dayo in la dhiso gollaha degaanka Degmada Bosaso, Dowladu waxay keenaysay cilad lagu carqaladaynayo. Waxaana ugu dambeeyay midda kaliftay in beelaha Qaarkood Qaadacaan, kalana baxaan xubnahoodi.

4. Kordhin Labo xubnood oo aan sharciga waafaqsanayn oo lagu Daray gollaha Degaanka Degmada Bosaso.

5. Guddigii Gollaha Wasiirada ee dowladdu u xilsaartay Dhismaha Gollaha degaanka bosaso qaarkood, waxay amar ku siiyeen Xubnihii Beelahooda uga qaybgalayay Gollaha inay codkooda siiyaan Musharaxa Dowladdu wadato, Taasuna waxay dhabar jab ku tahay Siyaasadda iyo habsamida maamulka. Taasoo muujinaysa cadaalad xumo aan laga filaynayn dowlada Puntland, duruufaha maanta taagan

Dhammaan aragtida beelaha ka soo horjeeda arrimaha kor ku xusan, waxa ay dowladda ka codsanayaan in ay dib uga fiirsato tallabaadaas sharci darrada ah iyo qadarin la’aanta xuquuqda Bulshada ku dhaqan Degmada Bosaso, si loo helo Nabadgelyo waarta iyo Mujtamac meel kaliya uga soo wadajeeda danta iyo horumarka Puntland.

Saxiixayaasha:  Beesha Cismaan Maxmuud

1. Nabadoon Maxamuud Faarax Muuse

2. Nabadoon Cabdi Cali Geesood

3. Nabadoon Maxamed cali Xaaji

4. Nabadoon Faarax Xirsi ciise

5. Nabadoon C/xakiim Xaaji cismaan

6. Nabadoon Cabdullahi Xasan webi

7. Nabadoon Maxamed Yuusuf ibraahim

8. Nabadoon Aadan Axmed Gaab

9. Nabadoon Faarax Maxamuud C/laahi

10.Nabadoon C/rashiid Axmed Yuusuf

11.Nabadoon Cumar Abshir cumar

12.Nabadoon Nuur finniin Yuusuf

13.Nabadoon Siciid Ciise Cumar

14.Nabadoon Maxamed Maxamuud Maxamed (shaaquuf)

15.Aqoonyahan Maxamed C/laahi Cumar

16.Aqoonyahan Hilaal cabdi Xaaji Yuusuf

17.Aqoonyahan Cabdi Maxamuud Yuusuf

18.Aqoonyahan C/rashiid Cismaan Aloore

19.Jinnow Cabaas Nuur Geesood

Saxiixayasha Beesha Wabeeneye

1. Nabadoon Daahir Jibriil Cabdi Mataan

2. Nabadoon Cumar Diiriye

3. Nabadoon Rashiid xabiib

4. Nabadoon Ciise Maxamed Ciise

5. Nabadoon Cabdalle Maxamed Ciise

6. Nabadoon Cumar Nuur Cismaan

7. Caaqil Axmed Boobe

8. Eng Samatar Cabdi samatar

Maakhir Media Boosaaso

Comments are closed