|

Wasiirka arimaha gudaha Somaaliland Dr Maxamed Cabdi Gabooose oo IS casilay+Dhagayso

Play

Hargaysa-(MMedia)-Waxaa manta xilkii wasiirnimo iska qaaday wasiirka arimaha Gudaha Somaaliland Dr maxamed Cabdi Gaboose kaasi oo ku dhawaaqay in aanu maanta laga bilaabo ahayn wasiirka arimaha gudaha Somaaliland.

Dr Gaboose ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku cadeeyay in aanu maanta ahayn wasiirka arimaha gudaha somaaliland isagoo shegay in uu soo qabtay hawl wanagsan intii uu hayay jagada wasiirka arimaha gudaha waxaa kaloo u  shegay in uu aad ugu faraxsan yahay ka tagitaanka jagadani .

waxa kaloo uu amaan usoo jeediyay Madaxwyanaha Somaaliland mudane Axmed Maxamed Silaanyoisagoo sheegay in uu yahay halyay qaran kaasi oo intii uuhayay xilka madawayane dalka wax wayn u qabatay

Maakhir Media Hargaysa.

Comments are closed