|

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulan kula qaatay Muqdisho Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Britain +Sawiro

 Muqdisho(MMedia) Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa maanta ku qaabilsay xafiiskiisa Muqdisho wafdi uu hoggaaminayo wasiirka horumarinta caalamiga ah ee Britain Andrew Mitchell, iyagoo kulankooda intiisa badan uga hadlay abaarta iyo macluusha ka taagan Soomaaliya.

Mr. Michell ayaa sheegay in qodobka koowaad ee ay kawada hadleen wafdigiisa iyo xubnaha dowladda ay yihiin macluusha iyo abaaraha ka taagan dalka, isagoo xusay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu qayb muuqata ka qaato kaalmeynta dadka ay abaaruhu ku saameynta ku yeesheen.

“Arrinta koowaad ee aan kawada hadalnay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxay ahayd saameynta ba’an ee abaaraha ka dhashay iyo weliba caruurta ay haysato nafaqo-darrada, waxaana hadda u jeednaa cudurka daacuunka oo ka jira meelo ka mid ah Soomaaliya,” ayuu yiri Mitchell.

Wasiirku wuxuu sheegay in 400,000 oo caruur ah ay haatan u dhimanayan macluul darteed, isagoo ugu baaqay beesha caalamka inay qayb ka qaataan sidii loo badbaadin lahaa caruurtaas.

“Britain waxay safka hore kaga jirtay sidii looga hortagi lahaa macluusha, balse dunida oo dhan ayaan haatan ka dalbaynaa inay qayb ka qaataan sidii macluushu inay baahdo looga hortegi lahaa,” ayuu mar kale yiri.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa maanta ku qaabilsay xafiiskiisa Muqdisho wafdi uu hoggaaminayo wasiirka horumarinta caalamiga ah ee Britain Andrew Mitchell, iyagoo kulankooda intiisa badan uga hadlay abaarta iyo macluusha ka taagan Soomaaliya.

Mr. Michell ayaa sheegay in qodobka koowaad ee ay kawada hadleen wafdigiisa iyo xubnaha dowladda ay yihiin macluusha iyo abaaraha ka taagan dalka, isagoo xusay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu qayb muuqata ka qaato kaalmeynta dadka ay abaaruhu ku saameynta ku yeesheen.

“Arrinta koowaad ee aan kawada hadalnay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxay ahayd saameynta ba’an ee abaaraha ka dhashay iyo weliba caruurta ay haysato nafaqo-darrada, waxaana hadda u jeednaa cudurka daacuunka oo ka jira meelo ka mid ah Soomaaliya,” ayuu yiri Mitchell.

Wasiirku wuxuu sheegay in 400,000 oo caruur ah ay haatan u dhimanayan macluul darteed, isagoo ugu baaqay beesha caalamka inay qayb ka qaataan sidii loo badbaadin lahaa caruurtaas.

“Britain waxay safka hore kaga jirtay sidii looga hortagi lahaa macluusha, balse dunida oo dhan ayaan haatan ka dalbaynaa inay qayb ka qaataan sidii macluushu inay baahdo looga hortegi lahaa,” ayuu mar kale yiri.

Sidoo kale, wasiirka Britain wuxuu sheegay inuu la kulmay sideed wasiir oo ka tirsan xukuumadda KMG ah oo qaarkood ay kasoo laabteen qurbaha, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay in DKMG ah ay xallisay khliaafaadkeedii ayna doonayso inay ku dhameystirto howsha u harsan muddada halka sano ah.

Andrew Mitchell wuxuu soo hadal qaaday ka bixitaankii Al-shabaab ee Muqdisho isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay, wuxuuna xusay in DKMG ay haatan diyaar u tahay inay si nabadaglyo ah gargaarka ku gaarsiiso dadka dhibaateysan, isagoo intaa ku daray in sidoo kale ay DKMG ah diyaar u tahay ka hortago musuqmaasuqa iyo la xisaabtamo.

“Beesha calaamku si ay wax badan u qabato waxay u baahan tahay inay arkaan dowladda KMG ah oo wax ka qabatay nabadgalyada,” ayuu yiri Mitchell, isagoo hadalkiisa kusoo gabgabeeyay in dalkiisa uu gargaar fara badan ugu talogalay dadka ay abaaruhu ku dhufteen.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo isaguna ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu wasiira horumarinta caalamiga ah ee Britain, isagoo sheegay inay ka mahadcelinayaan dadaalka ay ugu jirto Birtain sidii loo caawin lahaa shacabka Soomaaliyeed.

Booqashadan Mitchell oo ahayd mid saacado uuna qaadatay ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo mas’uul sare oo Britain ah uu ku yimaado Soomaaliya muddo 18-sano laga joogo.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed