Shirkii Looga hadlayay Abaaraha Somaliya ee ka dhacay Istabul iyo kulan ay wada yeesheen Shariif iyoMadaxwayanah Turkiga
Istanbul-(MMedia)-57-dowladood oo Somaaliya ay qeyb ka tahay ayaa maanta Shir looga hadlayo abaaraha ka jira wadanka Soomaaliya waxa uu uga furmay magaalada Istanbul ee caasimada dalka Turkiga kaasi oo uu furay Xoghayaha Ururka Islaamka Ikmaaludiin Ixsaan Ogle. 
Xoghayaha oo ka hadlay kulanka ayaa waxa uu ugu baaqay wadamada Islaamka ee kulanka ka qeyb galaya inay gar gaar u fidiyaan dadka Soomaaliyeed oo ay abaaruhu ku saameeyeen Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo goob joog ka ah kulanka ayaa waxaa la sheegay inuu kulan la qaatay Madaxweynha Turkiga Cabdlla Gul kaasi oo ay ka wada hadleen wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya, waxaana Cabdalla uu sheegay in doowladiisa ay siineyso 150-Milyan oo dollarka Mareykanka Soomaaliya.
Dhinaca kale dowladda Kazakhstan oo ka qeyb galeysa shirka Ururka Islaamka ee ka furmay maanta magaalda Istanbul ee dalka Turkiga ayaa waxa ay ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay lacag gaareysa 500-kun oo dollarka Mareykanka ah si wax loogu qabto dadka Soomaaliyeed.
Afhayeenka wasiirka Wasaaradda arimaha dibadda ee dowladda Kazakhstan Ilyas Omar ayaa waxa uu sheegay inay dowladiisa ka go’an tahay taageerida dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameynta ku yeesheen, waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in la garab istaago dadka Soomaaliyeed.
Shirkan oo looga hadlayay Abaaraha ka jira Somaaliya ayaa waxaa kasoo ay galay dawlada badan oo islaamka ah iyadoo la sugayo in ay dawaldo uu ka mid yahay sucuudiga uu balan qaado lacag uu ugu deeqo Somaaliya iyadoo ay aad uga wada walaasan yihiin sida ay Dadka masaakinta ah ee somaalida y yihiin.
Maakhir Media Istanbul.
