Aamino Muuse Weheliye ayaa ka hadashay sababaha ay uga tagtay shaqada BBC-da
London-(MMedia)-Hadaba anigoo ixitiraamaya kulli tageerayaasheeyda jawaabta baadigoobaya, ayaan waxaan idiin soo qorayaa, fariintaan gaaban, oon ku soo koobi doono sababtaan uga tagay BBCda.
Waa gareysanahay in wax badan guxayaan, waa ogahay in dadku anuu badanaa daacad ka noqon waxa uu ku hadlayo, waana ka baxanahay in ay nagu badatay in aanan is waafajin badanaa waxa aan afka ka leenahay iyo waxa uurkeena fadhiya.
Wayoo soomalida waa yar tahay qof inta meel ka taga aan ka hadlin iyo mid kale oon aan la qaadqaadin, shaqaale badan ayaa BBCda horey uga tahay, walaalhey ayeey ahaayeen kuligood, dad aan isku dheer nahay dhinaca shaqadana waa ahaayeen.
Hadana xuso waxaa horteey ka tagay BBCda anigoo u soo kala qaadqaadaya sideey tagista ugu kala horeeyeen, Maxamed Khaliif Giir, Nuur Shire Cismaan, Cadulaahi Maxamed Mursal, Cabdiraxmaan Yabaroow, Maxamed Cadoow, Axmed Muuse Cabdulle, Cabdisalam Hareeri, Axmed Xasan Cowke, Xasan Bariise, Farax Lamaane, Ayaanle Xuseen Cabdi, Cadbiraxmaan Ceynte, Saciid Cali Muuse, Aden Nuux Dhuule, markeey halkaas joogtana anigaa ku soo xigey, oo ka tagay 9kii July 2011-ka, intaas oo dhan sababo kala gooni ah ayeey uga tageen.
Laakiin anigana sababteeyda gaarka ah ayaan uga tagay, anigaana doorta in aanan afka la taagin sababtaan uga tagay BBCda, waayoo wax aad intiinaan xajmi u leedihiinba ma ahan.Sabab weyn ayaan uga tagay BBC-da, sababtaasna aniga iska daaye, waxeey quseeyneysaa dhamaan dadka soomaliyeed oo colaadu ku dul socoto, waxeey quseeyneysaa dhamaan inta masuuliyad soomali ka sheeganaysa (soomaliland, puntland), mideey doonta ha ahaatee.
Waxeey quseeysaa qof kasta oo soomaali ka naxeyo. xaalka aan shaqada uga tagay ma ahan BBC baan u shaqeyn jiray hadana waa ka tagay, ee waa sabab murugo leh oo tiiraanyo ku dheehan tahay. Waxaan uga tagay sabab aaneey jirin wado kale in aan ka tago shaqada mooyee, ilaaheyna waa ogyahay intey shaqada igala dhaxeysayna waa ogtahay, cidaan meesha uga tagay darteedna waa ogtahay.
Aniga wax kastoo igu dhacayba waa igu dhaceen, waana la igu qasbay in aan shaqadeeyda ka tago, ee ma ahan mid aan anigu u tanaagooday, lakiin waxaa la iigu qasbay si aan toos ahayn oo la ima dhihin inta la isoo dul istagay ( NAA KA TAG SHAQADA), balse waxaa la i gayeeysiiyey in la i geliyo cariiri aan nafis lahayn, waa la iga daba qaatay, si aan meesha dhan u naco, ugana cararo, waana noqotay sidii oo waa an ka tagay shaqadii.
Ilaah ha idin dhowro namana kala geeyo.
Noolaada walaalaheeygii soomaliyeedoow.
Amina Muuse Weheliye.
asahra2012@gmail.com
aminawehelie@yahoo.co.uk
Maakhir Media London.
