Madaxwaynayasha Dalalka Uganda iyo Eretariya oo kulan ku yeeshay Kampala
Uganda-(MMedia)-Madaxwaynayasha Dalalka uganda iyo Eretariya ayaa kulan ku aadan xaalada dalka Somaliya kawada hadlayay iyadoo kulanku uu ka dhacay magaalada Uganda caasimada dalkaasi.
Kulanka ay magaalo madaxda dalka Ugandha ee Kampala ku yeelanayaan Labada Madaxweyne ee Uweri Museveni iyo Isiyas Afwerki ayaa waxa ay si gaar ah diiradda ugu saari doonaan xaalada dalka Soomaaliya gaar ahaan arrimaha la xiriira faragelinta ay ku leedahay xaalada dalka Dowlada Ereteria.
Waxa uu si gaar ah Uweri Museveni kala hadli doonnaa in ay Dowladda Ereteria oo iyadu inta badan lagu eedeeyo in ay taageerto kooxaha dhibaatada ka wada guddaha dalka ay ku bedesho ka qeyb qaadashada Hanaanka Nabadda ee hada socda.
Labada madaxwayne ayaa si aada waxay uga hadleen xaalada dalka Somaaliya iyadoo dalka ay ka taagan yihiin xaalad aad u daran oo dadka samayn ku yeelatay taasi oo ay dad badani ku idladeen kuwa kalena ay u ildaran yihiin ,hadaba madaxwayne ayaa markii shirku soo dhamaado ay saxaafada uga warami doonan wixii kasoo baxay .
Maakhir Media Uganda.
