Wasiirka Arimaha Debeda”Waxaan Booqanayaa Muqdisho si aan u ogaado xaalada Dadka abaaruhu saamyen
Iran-(MMedia)-War ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha dibadda dowladda Iran ayaa lagu sheegay in booqosho uu ku imaan doono wasiirka arrimaha dibadda Iran si uu u booqdo xeryaha ay ku jiraan dadka barakacayaasha.
Warkaan oo saakay laga sii daayay idaacadda dowladda Iran ayaa lagu cadeeyay in maalmaha soo socda uu booqsho ku imaan doono wasiirka arrimaha dibadda Iran Ali Akbar Salehi si ay dowladda Iran ugu qayb qaatado taakuleenta dadka ku jira xeryaha barkacayaasha ee ay abaarta la degtay.
Sidoo kale waxaa lagu sheegay waxsaxaadeed ay sii daaysay idaacadda dowladda Iran in booqashada wasiirka ay muujineyso sidii caalamka loogu muujin lahaa xaalada dhabta ah ee Soomalaiya ka taagan oo u baahan in wax laga qabto taasi oo ay ugu daran tahay abaaraha.
Dhinaca kale hay’adda bisha Cas ee Iran ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u soo direyso markab sida shixnad gargaar ah oo loogu tala galay dadka ay abaaru saameyeen eek u nool guddaha Soomaaliya.
“Iran Soomaaliya waxa geeyn doontaa gargaarkeedi afaraad si loo caawiyo dadka ku nool meellaha nabdoon hadana ay saameysan abaarta dalka Soomaaliya ka jirta” ayuu yiri Saciid Mataaci oo ka tirsan hay’adda bisha Cas ee dalka Iran oo la hadlayay Tvga qaranka dalkaasi.
Iran ayaa ka mid ah wadamada dunida Muslimka ee bilaabay inay u soo gurmadaan bulshadda Soomaaliyeed ee muddada dhibaatooyinka ay haysteen islamarkaana ay colaad raagtay u dheertaha
Maakhir Media Iran.
Webmaster@maakhir.net
