|

Shirka wadamada Islaamka oo ka furmay Dalka Turkiga

Stanbul-(MMedia)-Ururka Islaamka ee magaciisa loo soo gaabiyo  (OIC) ayaa kulan looga hadlayo abaaraha Soomaaliya waxa uu uga furmayaa maanta magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga Recap Tayyip Erdogan ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo kulankaan, kaas oo lagu falanqeyn doono sidii  loo caawin lahaa in ka badan 3-Million oo qof  kuwaasi oo ay Abaaruhu ku saameeyeen gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibadda Turkiga Axmed Dafatugle ayaa sheegay in sidoo kale kulankaasi ay ka soo qeyb gali doonaan Xogahayaha guud  ee Islaamka Ekmaludiin Ixsaan Oglo,  islamarkaana waxaa uu intaasi raciyay awsiirka  in Saraakiil ka socota wadamada Afganistan, Kazakhstan, Malaysia, iyo waliba wasiirka dhaqaalaha dalka Iran kuwaasi oo uu sheegay in dhamaantooda ay ka qeyb gali doonaan kulankaasi.

Iyadoo ay abaaro aad u daran ay ka jiraan somaliya ayaa waxaa shirkaasi uga qayb galay madaxwyanaha Somaaliya Shiikh Shariif isagoo halkaasin caalamka islaamka uga baaqi  doonaa sidoo Somaaliya ay gacan uga gaysan kahaayeen .

Shalay ayay ahayd markii ka dhoofay  magaalada Istanbul isagoo ka qayb galayay shirka maanta ka furmay magaalada istanbul ee wadankaasi turkiga.

Maakhir Media Istanbul.

Webmaster@maakhir.net

Comments are closed