|

Madaxwaynaha Somaaliland Axmed Maxamed(Sillaanyo) oo maalinta Bari ah dalka dib ugu soo laaban doona

Hargaysa-(MMedia)-Madaxwayanah Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Silaanyo ayaa safar ugu maqnaa dalka China halkaasi oo ku helay marti qaad ay u fidyen madaxdalkaasi China isagoo lasoo galay heshiisyo lataabankaro waxaan wafdigiisa ku weheliyay wasiirka arimaha Debeda iyo iskaaashiga caalamiga ag Maxamed C/laahi.

Madaxwyanaha ayaa mudo halkaasi kusugnaa isagoo kulamo la yeeshay madaxda dalkaasi waxaana ay kawada hadleen iskaashiga labada dalka ka shaqaynta horumarka iyo sdii dawalada shiinaaha ay warshado uga samaysan lahayd iyadoo ka qodi lahayd ceelal shidal.

waxaana laysku af gartay in dawlada shiinaha ay halkaasi ka samayso warshado iyadoo sidoo kalen  dayactir wayn ku samayn doonta dekeda magaalada Berbera  taasi oo sheegen in ay dactir xoogleh ku samayn doonaan.

Madaxwaynaha ayaa lagu wadaa maalinta bari ah in uu dalka dib ugu  soo laabto isagoo iminka ku sugan magaalada Adis Ababa ee dalkaasi Itoobiya waxaana uu halkaasi kulamo kulan  yeelan doonaa madaxda dalkaasi isagoo doorkii hore markii uu sii socday lasii kulmayRaysal wasaaraha dalkaasi .

isku soo wada xoooriyoo madaxwaynaha ayaa ku soo beegan maalinta bari ah dalka gaar ahaan caasimada Somaaliland ee hargaysa iyadoo halkaasina si aada loogu soo dhawayn doono waxaana safarkiisa ku weheliya wasiiro iyo marwada koowaad ee dalka Aamina waris iyo saraakil ka tirsan madaxtooyada.

Maakhire Media Xafiiska Hargaysa.

Webmaster@maakhir.net

Comments are closed