|

Bur burka wadooyinka Bosaaso iyo ismalaha lacagata Kasoo Baxda (Maqaal)

Bosaaso-(MMedia)-Magaada Bosaaso oo kamid magaalyinka ugu waawyan ee puntland ahna magaalada ganacsiga ee ay leedhay iyadoo ay tahay isha ganacsiga puntland waxaa ay sidoo kale leedahay deked ay kasoo degaan maciishadaha kala duwan kuwaasi oo la geeyo meela badan oo ka tsan Somaaliya oo ay ka mid yihin Koonfurta Somaaliya Somaliland iyo puntland oo ay ku taalo Bosaso .

iyadoo ay saasi tahay magaalada Bosaso oo ay wlaiba leedhaay Airport aad u wayn oo ay kasoo daegen dadka ka imaanaya debedaha iyo somaliya qayba heeda kala duwaan waxaa sidoo kale lagu yaqaana magaalada Bosaaso baaxad aad uwayn iyo dad taariikh yahana oo ku nool magaladaasi.

hadaba maxaa ka dhiman magaaalada Bosaaso waa su’aal meesha ku jirta waxaa ay dad badani is waydiinayaan hadii ay magaalada Bosaso ay tahay isha ganacsiga puntland maxaa loo dayactiri waayay magaalada wadooyinkeeda iyo bilicda magaalada madaama ay soo saarto dakhli badan oo laga qaado cashuurta dadwayanaha kala gadisan ee kala soo dega dekeda wayn ee magaalada Bosaaso .

Waxaa ay magaalada Bosaaso soo martay masuuliyiin kala gadisan iyadoo magaladaasi tahay xarunta gobolka bari waxay leedahay gudoomiyaha Gobbolka Bari iyo duqa degamada iyo 26 xildhibaan oo ka tirsan golaha degeaanka iyadoo ay saasi tahay aya hadana aad moodaa in magaaladan aan dadba ool marka aan hadalkkaasi leeyahay dad ayaa is oranaya maxuu uga jeeda waxaan uga jeedaa ,, magaalda bosaso waa magaalo aad u wayn oo ay ku nool yihin dad badan oo kakala yimi daafaaha kala duwan ee somaliya waxaa ku nool in kabadan 2 malyan iyo badh somali ah oo isgu jiraa degaan iyo dad kasoo qaxay Gobolada cooladuhu ka jiraan ee somaaliya iyo qaar ka yimi gobolada dariska la ah Bari oo ay bosaso xukunto .

waxaan magaaladu ay tahay magaalo aad cidhiidhi ah dhisitaanka guryaha iyadoo aadba moodayso in aanay ka shaqyn meesha Dawlad hoose iyo nidaamka bilicda magaalada waa magaalo aad isu dhexdaadsan iyadoo guryaha ay afka isku ahayaan ma helesid meel ay kusoo marto booyadu waayo waaxa isku dhow guryaha ay dadku degen yihiin.

taasin waxa sababaysa nidaamka ay leedahay ama sida ay dawlada hoose u qorshayso hadba bilicda magaaladu sida ay tahay waxaa laga doonayaa in ay sameeyaan qabka loo dhiso guryaha waa in xaafad kastaa ay leedahay wado dhexmarta oo gaadiidku maraan sdioo kale waxa ay u bahaan tahay magaalad bosaso beerida dhirta taasina waa mid kamaqan hab u maamulida deegaanka ee dawlada Hoose ee bosaso .

Duq kasta ama maayirka magaalada oo qabta xilka magalaada maaha mid wax kaabada kii hore mid kasataaba waxa uu wax kaabdalaa inta uu cusub yahay oo kaliya balse uma juuqo marka ay dadku bartaan sababtoo ah waxay ka dhigan tahay jug jug halkaagii joog, iyadoo ay saasi tahay ayaan wax xil ah layska saarin magaalada ganacsiga puntland ee bosaso taasi oo soo saarta lacag badan oo dakhliga puntladn caawiya.

Magaalada Bosaso wwaxay leedhaay laami mara baratamaha magaalada kaaso oo ah mid kaliya oo ay maraan baaburta ukala goosha gobolada iyo dekda wayn ee bosaso waxaan aad mooda markii aad laamigaasi maraysid in aad marayso meel aan laami ahayn waayo sababtoo ah aa meel aad u jajaban oo kaba guuray laamigii uma eeka laami waxaad moodaysaa meel mar hore laami mari jiray,maxay dadka reer bosaso ay u arki waayeen laamiga jajaban ee ay dusha kamarinayaan baabuurata ay wataan,mise waxay doonayaan inuu sii dhamaado.

Bosaso waxaa ka ganacsada dhamaan ganacsatada reer puntland oo ka kala timi gobolada waxay ka qaataan bosaso maciishadaha kala duwan ee kasoo dega dekeda bossaso balse marna may iswaydiin in ay sameeyaan laamigan dheer ,waayo nin waliba waxa u jeebada ku shubtaa lacdhulaibgta ay haystaan ama helaan markaasi.

Xiligan waa xili barqa ah waa xili ay aad u shaqaynayaan dadka reer bosaso waa xili ay shaqyaanayaan dhamaan shaqalaha dekeda iyadoo ay doonya badani taagan yihiin waxaan soo maray suuqyadaa kala duwan ee bosaso waxaan kusoo dhacay aniga oo wata gaadhi Bartamaha magaalada bosaso oo ah meesh kaliya ee uu maro laamigaka yimaada Somaliya oodhan.

waxaad mooda lamaiga meel la xayiray in ay marto baabuurtu sababtoo ah waxaa xaniban isu socodka gaadiidka waayo waxaa yar wadad ay marayaan baabuurtu waxaa xanban meelaha ay isku dhafaan baabuurto iyadoo ay tagan yihiin qaar kale oo ka raraya raashin ay u qadan gobolada kale ee dalka waxaan goobta taagnaa mudo aan ku qiyaasay saacad ama hadii aanayba kaba badnayn .

hadba meeday dawladii hoose ee hawlahan ku shuqul lahayd mise waxa ku shuqul leh dadka bosaso mise ganacsatada mise dadka soo barakacay ee ka yimi gobolada kale ee dalka ,waxaa hawshaasi oodhan laga suagayaa mamulka dawlada Hoose ee bosaso kaasi oo loo doortay in ay hagaajiyaan bilicda magaalada iyo dhismayaasha sidii loo hagaajin laha iyo wadad wayn ee isku xidha bosaso iyo gobolada kale ee dalka mise waxay ka urursadaan o kaliya dakhliga soo gala oo ninba jawaan ayuu buuxsadaa.

Bilicda mgaalaadu waxba matarayso hadii aan amaanka la hagaajin marka hore waayo mudaayinkii danbe waxay bosaaso noqotay meel caadasyasatay in dadka lagu dilo oo ay ka dhacaan qaraxyadii ugu waawayna waxa soo food saaray colaado saameeyay amaanka bosaso qofkasta oo bosaaso ku noola waxa uu la cararay naftiisa isagoo micin biday meel kale .

Masuuliyiinta ka talisa Bosaaso iskuma xilqamaan sidii ay amaanka u sugi lahaayen Police-ka magaalda bosaso runtii way dadaaleen inti ay dadaali lahaayen waayo waxay qabtaan inta badan dadka wax laynaya ama ay tuhmaan iyadoo ay saasi tahay ayay naftooda ku waayaan ,mawada shaqeeyaan ciidanka amaanka iyo shacabka bosaso waayo waxay kala qabaaan baqdin aad u wayn oo midba midka kale ka shakisan yahay maxaa keeni kara in lawada shaqayn waayo ma shacabkaa khaldan mise ciidanka , hadii ciidan ku oo xaq dhwarayo shacabka waa wada shaqayn karaan iyo shacabka oo aqoon sada in uu ciidankani yahay kii amaankiina sugi lahaa .

Gunaandaka maqaalkayga oo ah hadii maanta madax cusub loo doortay gobolka bari iyo degmada Bosaso ma badali doonaan taatikada siyaasadeed ee gobolka mise waxay noqon doonaan mid kusii daba jira loolankii hore ama dadkii hore ee haystay xukunka Gobolka iyo degmada mahagaajin doonaan laamiga dhexmara magaalada iyo bilicda mase ka shaqyn doonaan amaanka .

Bosaaso waxay ahayd meel amaan iyo kala danbayn ay ka jirto iyadoo ay kusoo qaxeen dad badan oo kakala yimi gobolada kale ee somaaliya iyadoo ay soo miciin bideen Magaaladaasi amaanka ah ,lama arag oo lama maqal waxyaalaha ka dhacay sanadadii danbe bosaso lama aqoon qarax iyo dad isi soo miidaamiya iyo dad laga toogto madaxa waxa kaliya oo la yaqaanay sidii loo shaqaysan kari lahaa,bosaso waxay kamid ahayd meelaha Nabada ah ee somaaliya iyadoo maaalmahan danbe ay bosaaso Soo hagaagayso.

Waxaan hadaba shacabka iyo ciidanka iyo masuuliyiinta Gobolka bari iyo degamada Bosaso odhaanayaa ama aan usoo jeedinayaan ina ay noqdaan Muwaadiniin dalkooda jecel oo ay iska qabtaan cadawgooda waayo horaa loo yidhi NABAD BAA NAAS LA NUUGA LEH

Maakhir Media Bosaso

Fadlan wixii farina noogu soo hagaaji Emailka aanu leehay Ee Webmaster@maakhir.net

Comments are closed