Alshabaab oo Askari Ka Tirsan DKG Kusoo Bandhigtay Warshadii Baastada
Muqdisho(MMedia) Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda ku soo bandhigay warshadii Baastada, xilli dagaalo culus maanta ka dhaceen qeybo ka mid ah Xaafadaha Huriwaa iyo Yaaqshiid oo ay isku fara saareen Ciidamada Dowladda kuwa AMISOM.
Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo ka hadlay goobta askariga lagu soo bandhigay ayaa sheegay in laga qabtay nawaaxiga Isgoyska Fagax, isagoo dhaawac fudud ah.
Cali Dheere ayaa sheegay is bedelka farsamada dagaalka uu ku socdo qaab guul ah, isagoo tibaaxay in dagaaladii maanta ay qasaare ku gaarsiiyeen Taangiyada AMISOm ay wateen.

Askari ay soo bandhigeen ayaa sitay dareyska Ciidamada, waxaana magaciisa lagu sheegay Calas Ibraahim oo 32-jir ah, kaasoo ay xuseen inuu ka mid ahaa Ilaalada gaarka ah ee Sarkaalka lagu magacaabo Gacma-duulle oo hogaaminaya Ciidamada Dowladda ee aagagaas maanta ka dagaalamay.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa isku fidiyay xaafado hor leh oo ay horay u joogeen Shabaab, inkastoo dagaalo ay kala kulmeen waabarigii hore ee saaka.
Waa markii u horeysay ee Shabaab askari nool soo bandhigaan kadib markii horaantii todobaadkii hore ay faarujiyeen aagagii ay kaga sugnaayeen Magaalada Muqdisho.

