Madaxwayne Shiikh Shariif oo u duulay Turkiga
Muqdisho-(MMedia)-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa u ambabaxay dalka Turkiga, halkaas oo maalinta berri ka furmi doona shir looga hadlay abaaraha, kaasoo dhaqaalo loogu uruurinayo Abaaraha iyo macluusha aafeeyay dalka Soomaaliya.
Booqashada Madaxweyne Shariif ayaa waxay la xiriirtaa mid horu dhac u sii ah, booqasho heer sare oo la filayo in maalinta khamiista uu ku yimaado Magaalada Muqdisho Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Rajab Tayib Erdogan.
Madaxweynaha ayaa diyaarad ka qaaday garoonka wax yar kadib markii uu halkaas ka dhoofay Madaxweynaha Jabuuti oo socdaal aan horay loo sii shaacin ku yimaaday maanta Magaalada Muqdisho.
Sida ay sheegayaan wararka Madaxweyne Shariif ayaa booqasho maalin ku joogi doona dalka Turkiga, isagoo kadibna ku soo laaban doona Magaalada Muqdisho, si maalinta khamiista ee soo socota ugu soo dhoweeyo Ra’iisul Wasaaraha Turkiga.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliye Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada iyo xubno kale.
Qaban qaabo xoog leh ayaa ka socota Magaalada Muqdisho oo ku aadan soo dhoweynta Ra’iisul Wasaaraha Turkiga, iyadoo booqashadii maanta uu ku yimid Madaxweynaha Jabuuti ay bilow u noqotay in indhaha Caalamka uu u soo jeesto Soomaaliya, isla markaana Madaxda caalamka ay tusaale u noqoto Booqashada dalka colaadaha la dageen mudada labaatanka sano.
Maakhir Media Muqdihso.
Webmaster@maakhir.net
