|

Madaxwyane Geele Oo dalka Jabuuti Dib ugu laabtay Kadib Booqashadii uu Maanta ku joogay Muqdisho

Madaxwayanah Jamhuuriyada Jabuuti ayaa dib ugu laabaty dalka jabuuti  isagoo kusgnaa ilaa maanta magaalada muqdisho ee caasimada Somaaliya halkaasi oo kulamo kula yeeshay madaxda dalka.

Ismaaciil Cumar Geelle oo diyaaradii saaka ka soo dejisay garoonka diyaaradaha taagneyd ayaa kaga dhoofay garoonka, waxaana ka hor inta aanu dhoofin halkaas loogu tumay Astaanta calanka Jabuuti.

Madaxweyne Shariif, Ra’iisul Wasaare Dr. C/wali iyo Gudoomiye Shariif Xasan ayaa sagootiyay wafdiga Madaxweynaha Jabuuti oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Warfaafinta Cali Cabdi Faarax, Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Xaamid Cabdi Sudlaan iyo xubno kale.

Intii uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayuu Madaxweyne Geelle waxaa uu booqasho ku tagay Xerada Barakacayaasha ee Badbaado iyo Isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka Banaadir oo caruur fara badan oo macluul heysa ay ku jireen.

Madaxweyne Geelle oo la geeyay Xarunta Madaxtooyada ayaa halkaas kulan albaabada u xiran kula yeeshay Madaxda Dowladda, iyadoo uu booqday Xarunta wasaarada Warfaafinta iyo Radio Muqdisho oo uu si toos ah shacabka ugala hadlay.

Waxaa uu sheegay in Xaalada bani’aadanimo ee ka jirta Soomaaliya ay tahay mid aad uga tiiraanyooday, waxaana uu tibaaxay in Isbitaalka Banaadir uu ku soo arkay waxyaabo uu aad uga naxay.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in deeq daawo ah ay keeneen, isla markaana ay gaareysay 13-Tan daawooyin ah, iyo deeqo kale.

Booqashadiisa Muqdisho ayaa ah tii u horesay tan markii uu qabtay Madaxtinimada dalkiisa Jabuuti, waxaana uu noqonayaa Madaxweynihii u horeeyay ee Afrikan ah oo yimaada Muqdisho, inkastoo Madaxweynaha Uganda oo Ciidamo ka joogaan uu yimid Muqdisho.

Comments are closed