M/Jamhuuriyada Jabuuti oo Booqday xeryaha Qaxootiga hooyada iyo dhalaan ka kulamona la yeeshay M/ Shiikh Shariif +Sawiro
Muqdisho-(MMedia)- Madaxwayanah Jamhuuriyada Jabuuti Ismail cumar Geelle ayaa Maanta safar aan hore loo shaacin kusoo gaadhay magaalada muqdisho halkaasi oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee aadan cade enternational Airpor iyadoo ay kusoo dhaweeyeen madaxwyanaah Somaliya Shiikh Shariif iyo madaxkale oo ka tirsan Somaaliya .
Madaxweyne Geelle oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho isla markaana madaxda Qaranku ay ku qaabileen xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa duhurnimadii maanta soo booqday Xarunta Idaacadda Radio Muqdisho isaga oo ay wehliyaan Madaxweynaha Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, R/wasaare C/weli Maxamed Cali iyo Wasiirka Warfaafinta C/qaadir Xasan Maxamed “Jahweyn” waxa ayna madaxdu halkaasi kala hadleen ummadda Soomaaliyeed oo ay u rajeeeyeen horumar iyo baraare.

Ismaaciil Cumar Geele ayaa isla maanta booqdey xerada ugu weyn ee Badbaado ee ay ku jiraan dadka abaruhu waxyeelada u geysteen isla markaana la sheegay in xaalad macaluul iyo darxumo ah ay hayso, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqashada xeradaas ku weheliyey wefdiga Madaxweynaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sidoo kale booqdey Isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir, halkaas oo uu u kuur galay xaaladda nafaqo darro ee haysa caruurta iyo hooyooyinka halkaas ku jira. Goobaha kale ee Madaxweyne Geele booqdey waxaa kamid ahaa Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, gaar ahaan Radio Muqdisho iyo telefishanka Qaranka Soomaaliya.
Madaxwayane Shiikh shariif Raysal wasaaraha somaliya aya kulan la qaatay madaxwayanah jamhuuriyada Jabuuti Ismail cumar geele halkaasi oo ay ku kulmeen qasriga madaxtoooyada ee Villa Somaliya iyadoo waxayna kawada hadleen xalada dalka iyo sidii dadka abaaruhu samayeen wax loogu qaban laha iyadoo sidoo kale Mudane ismail cumar Gelle uu ka hadlay xaalda abaaraha waxa sheegay somaliya ay maanta u baahantahay gurmaad balaadhan isagoo ugu baaqay in dawalada afrika ee dib u dhigaya shirarka in lasoo dadajiyo waxqabadka iyo gargaarka Somaaliya loo wado .
Booqashada madaxwyane Geele ayaa kusoo beegamaya xili uu kusoo beegan yahay Xil saacadaha soo socda ee I48 saacadood la sugaayo in ay Muqdisho soo gaaraan wefdi culus oo uu hoggaaminaayo Raysalwasaaraha dalka Turkiga.
Tan iyo markii ay ka baxeen xarakada Al-Shabaab ayaa magaalada muqdisho waxaa kusoo qulqulaya wafdiyo balaadhan o ka kala socda beesha caalamka iyadoo u kuur galaya xaalada qalafsan ee ka taagan somaaliya ,madaxwaynaha Dalka Jabuuti Mr Geele ayaa ah markii ugu Horaysay ee uu soo caga dhigto Dalka Somaaliya iyadoo la filayao in uu kulamo kala kala duwan ee Dawlada .
Maakhir Media Xafiiska Muqdisho
Webmaster@maakhir.net



