Madaxwaynaha Jamhuuriyada Jabuuti oo Gaadhay Muqdisho
Muqdisho-(MMedia)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho iyadoo ay soo dhaweyntiisa ka qayb qaateen madaxda sare ee dawlada oo uu ka mid yahay madaxwayne shiikh Shariif.
Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdihso ayaa waxaa soo gaartay diyaarad siday madaxweynaha Jahuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle markii u ka soo dagay diyaaradda ayaa waxaa si ddiiran garoonka ug soo dhaweeyay madax uu hoggaaminayay madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
kadib Markii si diiran loogu soo dhaweeyaya yaa waxaa loo si gudbiyaya dhanka xarunta madaxtooyada ee Villa Somaliya halkassi oo ay kulamo kulan yeelan dooonaan madaxwaynaha Jamhuu riyada Jabuuti iyo madaxwayanahaSomaaliya.
Dad aad u fara badan ayaa ka qayb qaatay soo dhawaynta madaxwyanaha Jabuuti Ismail cumar geele iyadoo ay dadkaasi ahaayen kuwo ku dhawaaqaayay magacama Ismail Cumar geela halkaasi ooo ay ka muuqatay farxad aad u balaadhan.
Wixii faah faahina oo ka soo baxa kulamada waxaan idinku soo gudbin doonaa wararkayga kale
Maakhir Media Muqdisho.
