Faah Faahin Dagaaladii Ka Dhacay Gobolka Hiiraan
Beledweyne(MMedia) Xaalada guud deegaannadii maalintii shalay lagu dagaallamay ee duleedka magaalada Beledweyne xiligan waa mid degan mana jiraan wax dagaallo ah oo ka socda, marka laga soo tago xiisado colaadeed oo wali halkaa ka jira, maadaama ay is hor fadhiyaan dhinacyadii ay dirirtu dhaxmartay ee Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo xoogagga maamulka Dooxada Shabeelle.
Dagaallka galinkii danbe ee maalintii shalay ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne oo soo gaaray xiligii Afurka ee maqribnimadii xalay ayaa ka danbeeyay weerara xoogagga Al-shabaab ay ku qaadeen fariismo ay ku lahaayeen daafaha magaalada xoogagga maamulka la baxay Dooxada Shabeelle, kuwaasoo weerarka kadib bilaabay iska caabin xoog leh.
Sida ay HOL u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degan goobaha lagu dagaallamay waxaa uu markii danbe dagaallku ku fiday deegaannka Kala-beyr iyo waliba Tuulada Jawiil oo sida warar soo baxaya sheegayaan in Maqribnimadii xalay ay mar gaareen xoogagga xarrakada Al-shabaab, inkastoo markii danbe ay halkaa ka soo baxeen.
Axmed Inji oo ka mid ah saraakiisha maamulka Dooxada Shabeelle ayaa isaga oo jooga magaalada Gaalkacyo waxaa uu sheegay in weerarka markii hore dhinacooda lagu soo qaaday hasse ahaaatee ay iska caabiyeen weerarka, waxaana uu sheegay in xoogagga u dagaallama maamulkooda ay ku dhawaadeeen sida u hadalka u dhigay Buurta Qowlad wax aan sidaa u badneyn u jirta magaalada Beledweyne.
Axmed Inji waxaa uu intaa ku darray in dhinacooda dagaallkii maalintii shalay dhacay uu uga dhaawacmay hal Askari, hasse ahaatee sida uu hadalka u yiri khasaaro gaarsiyeen dhinacii kale ee soo weeraray.
Ilaa hadda dhab ahaan looma oga khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac ka soo kala gaaray dagaallkii maalintii shalay dhacay oo la oran karo waa kii ugu cuslaa ee waayadan ka dhaca daafadaha magaalada Beledweyne.
