Horyaalada Engriiska oo Bilowday iyo Manchester oo dirqi ku badisay Chelsea Oo Taako Loo Dhigay
London-(MMedia)- Waxaa shalay galab ilaa xalay horyaalka dalkaasi Ingiriiska laga ciyaaray kulamo si gaar ah loo wada sugayay kuwaasoo dhex marayay kooxaha Manchester United VS West Bromwich iyo Chelsea VS Stoke City.
Haddaba, Kulankii dhex maray kooxaha Chelsea iyo Stoke oo ahaa ciyaar aad u adag ayaa waxay isla dhaafi waayeen bar bar dhac 0-0, iyadoo shaanshada laga arkayay ciyaartooyda Chelsea iyo tababarahooda cusub oo si aad ah uga xun rigoorayaal ay sheegeen inuu ka diiday Seeri wadaha ciyaarta garsoorayay, arrintaasna ay ku tilmaameen mid laga xaqiray ka dib markii xerada ganaaxa lagu jilaafeeyay ciyaaryahan Lampard.
Dhinaca kale, Kooxda difaacanaysa horyaalka Ingiriiska ee Manchester United ayaa si dirqi ah ku heshay guul lama filaan ah ka gadaal markii ay ciyaar adag kala kulmeen kooxda la yiraahdo West Bromwich. Ciyaartan oo daqiiqadihii hore ay kubbada iska haysteen kooxda Man United isla markaana ay ugu suurta gashay inuu gool u saxiixo laacibkooda Wayne Rooney ayaa daqiiqado ka dib ee isla qeybtii hore ciyaarta laga bar bareeyay 1-1.
Markii qeybtii dambe ay isugu soo laabteen ayaa ciyaartii waxay isku bedeshay mid weerar iyo weerar celis ah taasoo noqotay in muddo 30 daqiiqo ah la isku mari waayo. Haddaba, markii ciyaarta qaddar daqiiqado ah ka harsan tahay ayaa laacibka dhawaantan ay la soo wareegeen kooxda Man U ee la yitaahdo Ashley Young ayaa kubbad uu la soo galay soo dhex dhigay difaacyada taasoo keentay inay iyagu iska dhaliyeen si kama’ ah. Waxaana ciyaartii halkaasi guusha kala hoyday kooxda Manchester United 2-1.
Dhanka kale, Ciyaar kulul oo xalay la isku jilbo murxay ayaa waxay dhex martay labada kooxood ee ugu tunka weyn dalkaasi Spanish-ka Real Madrid iyo Barcelona. Kulankan oo ahaa koobka dhex yaala 2-dan kooxood ayaa xalaytoole la isla dhaafi waayay 2-2. Waxaana labadan kooxood ay weli u balansan yihiin lug 2-aad oo ay ku kala bixi doonaan maalmaha soo socda.


