M/Shiikh Shariif oo dalka Dib ugu soo laabtay Isagoo maanta u dhoofay Dalka Burundi
Muqdisho-(MMedia)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wafdigiisa ayaa goor dhow dalka dib uugu soolaabtay.
Madaxweyne Shiikh Shariif sheikh Axmed ayaa dalka Burundi kulan kula soo qaatay dhiggiisa dalkaasi, kaasi oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya iyo xiriirka laba dalka ka hor inta uusan dalka dib ugu soo laabanin.
Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ahaa R/wasaare ku xiggeennada kala ah wasiirka Ganacsiga, wasiirka arrimaha dibadda iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Madaxwaynaha ayaa Maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho isagoo o dhoofay dalka Burundi halkaasi oo kulamo kula soo yeeshay dhigiisa dalkaaasi waxaana ay kala hadlayeeen xaalada dalka iyo sidii looga qayb qadan lahaa amaanka magaalada muqdisho.
Shiikh shariif waa madaxwayanaha Dalka somaaliya waxaana uu hadba dal u dhoofa sidii uu wadamada dariska ah ugu soo baryo somaaliya isagoo tan iyo waagii la doortayky socdaalo uuu ku kala bixinaayo dalalka caalamka .
Maakhir Media Muqdisho
