Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Xukuntay Laba Masuul oo lagu helay Musuqmaasuq
Hargaysa(MMedia) Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa maanta shan sanadood oo xadhig ah ku xukuntay Agaasimihii maamulka iyo lacagta ee wasaarada waxbarashada Ibraahim Aamin Gadiid iyo Agaasimaha Xarunta Agoomaha Hargeysa C/Risaaq Cabdilaahi Maxamed (Kildhi), ka dib markii lagu helay inay lunsadeen hanti qaran.
Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeysa C/Raxmaan Jaamac Hayaan, ayaa ku dhaawaaqay xukunka labadan sarkaal ka dib markii maxkamadu muddo ay ku gudo jirtay dhegaysiga dacwadooda isla markaana maxkamadu ay dhegaystay markhaatiyadii maxkamada la horkeenay.
Maxkamadu waxay ku xukuntay Ibraahim Aamin Gadiid shan sanadood oo xadhig ah iyo inuu soo celiyo lacag cadaan ah oo uu ka soo qaaday Ha’yadaha caalamiga ah ee wasaarada waxbarashada la shaqeeya, lacagtaasi oo dhamayd 107 kun oo dollar oo lagu helay inuu isagu si gaar ah ugu tagri falay.
Waxa kale oo Ibraahim Aamin lagu helay inuu lunsaday lacag dhan 110 Milyan oo shilin oo wasaaradda waxbarashaddu lahayd.
Agaasimihii hore ee Xarunta Agoomaha Hargeysa C/Risaaq Cabdilaahi Maxamed (Kildhi) waxa lagu xukumay shan sanadood oo xadhig ah waxaana lagu helay inuu lunsaday raashin ay lahaayeen xarunta Agoomaha Hargeysa, waxaana maxkamadu go’aamisay in labadaasi nin ay xarunta agoomaha u soo celiyaan lacag dhan 70 Milyan oo shilinka Somaliland ah oo ay si wada jir ah u musuqmaasuqeen.
Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa ammaankeeda saaka aad loo adkeeyay waxaana la soo dhoobay ciidan aad u tiro badan oo Boolis ah, iyadoo la xidhay jidadka hormara Maxkamadda..
Markii xukunkaasi dhacay waxa maxkamada horteeda ka ooyay xubno haween ah oo ka mid ah qoyska Ibraahim Aamin Gadiid, kuwaasi oo xukunkan ku tilmaamay mid sharci darro ah oo cadaalada ka fog.
Maakhir Media Hargaysa
