Wafti Horudhac U Ah R/wasaaraha Turkiga oo Muqdisho Soo Gaadhay
Muqdisho(MMedia) Wafdi hor dhac u ah Booqashad uu dalkeenna ku iman doono dhawaan R/wasaaraha
Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho si ay ugu kuurgalaan xaaladda dhabta ah ee ka jirata dalka.
Wafdigan ka socda Dowladda Turkiga islamarkaana gogol xaarka u ah Booqashada rasmiga ah ee uu dhawaan Muqdisho ku imaan doono R/wasaaraha Turkiga rajab dayib Urtuqaan ayaa waxa ay ka koobanyihiin Dhaqaatiir, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Caafimaadka Turkiga iyo xafiiska R/wasaaraha Tuirkiga.
Xubnahan ka socda Turkiga aya waxaa garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan xubnaha golaha wasiirada, oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, wasiiru dowlaha arrimaha dibada iyo wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiidka, cirka, dhulka iyo Dekadaha.
Cusmaan Nuurit Bechtash u qaabilsanaha xafiiska R/wasaaraha Turka ee maareeynta Musiibooyinka degdegga ah oo hogaaminayay wafdigaasi ayaa saxaafadda u sheegay in ujeedada wafdigaasi ay tahay sidii ay u caawin lahaayeen dadka SoomaaAliyeed ee dhibaateysan waxa uuna Mr Bechtaash tilmaamay in maalinta berito AH uu Muqdisho imaan doono Markab wada shixnado gargaar ah oo ay dowladdA Turkiga ugu talAgashay inay ku caawiso dadka Soomalaiyeed.
Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranak Mudane C/samada Macallim Maxamuud oo isna ka mid ahaa Mas’uuliyiintii soo dhaweeysay wafdigaasi ayaa sheegay in xubnahani ay hor u dhac u yihiin wafdi ballaaran oo maalmaha soo socda ka imaan doona dalka Turkiga.
Booqashada wafdigaani ka socda dalka Turkiga ayaa imaaneysa xilli maalamaha naso aadan la filayo in R/wasaaraha Turkiga uu booqasho rasmi ah ku yimado magaalada Muqdisho.
Maakhir Media Muqdisho
