|

Madaxayne ku Xigeenka Somaaliland oo sheegay in ay ka qayb qadan doonaan caawinta Abaaraha ka jira Koonfurta Somaaliya.

Hargaysa-(MMedia)-Shir jaraa’id oo uu madaxtooyada ku qabtay Madaxayne ku xigeenka Somaliland ahna kusimaha madaxwyanaha C/raxmaan C/lahi Ismail Saylici. ayaa sheegay in ay ka qayb qadan doonaan gurmadna u fidinayaan dadka somalida ah ee ku tabaalaysan abaaraha ka jira somaaliya iyagoo dadkaasi ay ka dhamaadeen xoolihii kuwaso iminkaka ku sugan xeryaha qaxootiga.

waxaa uu sidoo kale sheegay madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan saylici in gudi loosaaray wasira ah kuwaasi oo ka kooban todoba wasiir kadiba ay soo egayaa ama ay soo sheegayaan halka ay kaga beegan tahay Somaliland taakulaynta dadka abaaruhu saameeyen.

shirkan jara’id ee ku sheegayo in ay Somaliland diyaar u tahay inay ka qayb qaadatao gurmadka Abaaraha ka jira geeska afrika gaar aahan Dalka somaliya iyado u sheegay in mudo ay ka doodayeen una adkaysan waayeen dadkan masiibadu abaareed iyo macalushu ay ku habsatay ,kadib ay xukuumada somaliland qondaysay in ay ka qay qaadato Abaaraha ka jira Koonfurta Somaliya.

Mar la waydiiyay Gobolada Somaliland iyagaba waxaa ka jira abaaro maxaa iyagana loogu deeqayaa ,axaa uu ku jawabay in loo diray masuuliyiin kala gadisan oo isugu jira haayadaha caalamiga ah iyo wasiiro ka tirsan waxana ay soo kormeeren meelaha ay abaaraha ka jiraan iyado sidoo kale uu sheegay in aanay aad u waynayn abaaraha ka jira Somaliland balse la caawin doono isagoo sheegay in wali la arag macaluusha ka jirat koonfurta somaaliya iydoo ay dad badan ku dhinteen qaar kalena ay liitaanba.

dhawaan ayay ahayd markii ay madaxtooyada isgu yimaadeed wasiirada xukuumada Somaliland iyagoo ku lafa gurayay sidi loo caawin lahaa Abaaraha ka jira Koonfurta Somaliya iyo sidii ay Somaliland uga qayb qaadan lahayd kaaliteeda dadkaasi tabaalaysanwaxaan dood dheer kadib la magacaabay gudi kuwaaso soo qiimayn doona halka ay somaliland ka gali karto caawinta dadkasi

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed