Raysal wasaaare Cabdiwali oo ka hadlay xaalada Guud ee Dalka
Muqdisho-(MMedia)-Mudane C/weli Maxamed Cali Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay Amaanka Dalka ayaa tilmaamay in guullo wax ku ool ah laga gaaray dadaallo la xiriira dhinaca Amniga oo ay Dowlada Soomaaliya waday ayada oo la kaashanaysa Ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM islamarkaana amaanka meello badan oo kamid ah magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ay Dowladdu maamusho amaankoodana la xaqiijiyey.
Waxa mar uu ka jawaabayey Ra’isulwasaare C/weli Gaas su’aal la xiriirtay qorshayaasha waqtigan ay dejisay Xukuumadiisa ee la xiriira soo celinta amniga iyo sidii loo xaqiijin lahaa deegaanada laga saaray gacanta kooxda Al-Shabaab ayuu tibaaxay in Qorshe ballaaran oo lagu xaqiijinayo Amaanka guud ee Caasimadda ay xukuumaddu dejisay ayna jiraan ciidammo gaar ah oo loo xilsaaray sugida amaanka iyo xaqiijinta magaalada Muqdisho kuwaasi oo magaalada ka howlgalaya.
Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali oo ka hadlayey arimaha la xiriira gurmadka Bani’aadannimo ee loo fidinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool gudaha dalka ayaa tilmaamay in gurmad xoog leh uu socdoo kaasi oo ka imaanaya dhanka dibadda waxaana uu uga mahad celiyey dhamaanba dalalka Caalamka ee iyagu taageerada aan kala harka laheyn u muujiyey Umadda Soomaaliyeed islamarkaana gar gaarkaasi uu noqon doono mid sii socda.
Siyaasadeed ee dalka waxaana uu tilmaamay in dhowaan uu qabsoomi doono Shirkii Wada Tashiga ahaa ee u dhaxeeyay Shacabka Soomaaliyeed kaasi oo horey loogu balan sanaa islamarkaana ay meel isla dhigeen xubno ka socday Beesha Caalamka oo maalmahan magaalada Muqdisho Socdaallo isdaba joog ah ku imaanaye
Maakhir Media Muqdisho.
