Maxaad ka taqaan Buuraha calmadow iyo Magaaloyinka Mashcaleed iyo Xabaasha Cawl (Warbixin)
Calmadow-(MMedia)-Socdaal dheer oo aan ku kala bixiyay gobolada Sanaag iyo haylaan ayaa waxaan sidoo kale ku tagay Buuraha calmadow ooo ka tirsan gobolka sanaag halkaasi oo aan u tagay sidii aan uga soo warami lahaa burahaasi .
waxaan ka anababxay magaalada Badhan ee gobolka sanaag halkaasi oo aan watay gaadhi nooca loo yaqaano Surf saacaduna waa 12 duhurnimo waxana ila socday dhalin yaro kadibana waxaan u dhaqaaqay dhanka calmadow iyo magaaloyinka Mashcaleed iyo Xaabaasha cawl.
waxaan mudo soconaba waxaan galay buuro aad u dhaadheer oo aad moodo inay cirka ku tolan yihiin sidoo kale waxaan arkayay buurah aan marayo oo kala duwan markii aan badan ka tagay buraheedu waxay ahaayeen kuwo aan lahayn dhir badan hase ahaatee markii aan gundhada usii galay ayay wada yesheen dhir quruxbadan.
intaanan u gudda galin buuraha noocyadooda waxaan sii maray wadaba wadada ay kasii xuntahay iyadoo aan marayay wadada wayn ee qadiimiga ah ee aadka ay somaalidu u taqaano ee GEELDOORA taasi oo aad khatar u leh iyadoo ay kutaalo wadaadasi cirifka buurta hoostana waxaa kaa xiga buuro aad u dhaadheer oo hadii aad eegto ku dawakhaysid waxaan aad moodaysa in dhagaxa la tuumiyay wadada .
Wadada Geeldoora waxaa sameeyay gumaystihii ingriiska kaasi oo u mari jiray degmada laasqoray ee xeebta kutaala halkaasi oo uu kala soo degi jiray shixnadaha kala duwan ee uu isticmalayo waxa uu wadad u diri jiray somali lacag ku qaadan jiray kadibana waxay ka soo sareen meel wadiiqa ah oo ay maraan ,wadad waxaa waagii hore mari jiray Awrta sida badeecadaha madaama ay somaalidu raran jireen awrata kadibna waxa la keenay fikrad ah in laga sameeyo wado.
iyadoo aan maray wadada aadka u khatarta ah ayaan waxaan usii gudbay meelo badan oo iyana cagaar ah oo ad moodayso in aad joogto wadamo kale hase ahaatee waxay ahayd xili galaba goorta aan marayay buuraha calmadow oo kutaala gobolka sanaag,waxaan hal mar ka gudbay buurihhii aaan lahayn dhirta iyo baadka iyadoo hal mar ay isaaqday dabaysha dhaxameed ee aadka u macanayd iyadoo ay ugu wacan tahay dhirta oo aad ugu badan buuraha dooga oo aad moodayso in aanay meeshuba ahayn buur oo ad moodayso geedad isi saaran.
meelaha aan sii mary waxaa kamid ahaa Barkadaha , Geed la rifay oo aad loo yaqaano waxaana marta wadada Geeldoora oo ilaa magaalada laasqoray aada waxaad kasii dhaadhacaysaa buuro aad u dhaadheer meeshii ad ka timi oo kaa hoosaysa marna kaa saraynaysa .
xili gaaban ayan ku aadanay ama aanu tagnay meeshii muraadkayagu ahaa oo ahayd xabaasha cawl halkaasi oo anu doonaynay in aanu joogno habeen iyadoo aanu sidoo kale doonayanay in aan socdaal dheer ku kala bixino buuraha calmadow oo dhan laakin wakhtiga oo yaraaday awgeed ayaan u aadi wayanay sid magaaloyinka Muun Ragaad ,mirci markad,daraax ,daadan,maayeer doll .birsije,dhen xamur ,god dhurwaa iyo gooba badan oo ka tirsan buuraha calmadow geedad noocya badan leh ayaa sidoo kale ka baxa buuraha waxaan kamida Dhosoq Dayib, Adaahi ,Yube Maayeer Shay Mooli,xayramad,Darayle, Barde,Xiis,Salamac iyo qaar kaloo badan.
qofka taga buuraha calmadowa waxa uu moodayaa inuu ka tagay dhulka Somaaliya oo uu aday wadama kale iyadoo buurahan noocan oo kale ah ay ku yaalin wadamada Aisia iyo kuwa kale ee america waxaan aad moodaysaa in aad dalxiis ugu timi goob kale.
waxaan habeen u hooyanay magaalada xabaasha cawl oo halkaasi oo si wanaagsan naloo soo dhaweyay kadibna waxaa noo barlayay waaga iyadoo aanu quraacaanay kadibana aanu u lugaynay magaalad dariska la ah xabaasha cawl oo lagu magacaabo Mashcaleed ,magalaadaasi way ka duwan tahay tuulada kale aanu taganay ama aanu ka nimi waayo waxay mashcaleed leedahay beero qurux badan oo nooc walba oo udaar ah ay kabaxaan halkaas ayaan mudo joognay kadibna waan kaba soo lugaynay anagao oo buura badan soo dul marnay kaidbana waxan kusoo laabanay meesha la dhaho xabaasha cawl.
safarkii Aan ku taganay buuraha calmadow ayaa ahaa mid aad u xiisa badan marna ahaa mid aad u naxdin badan labadaba waxaanu ahayn kuwo siman hadana kala farxad badan mar waxaan u ku faraxnaya dhulka sanag buurihiisa qurxoon iyo dhirta ku taala marna waxaan ka cabsoonay meelaha dhaadheer aanu maraynay iyadoo aad fajacayso hadba markii aad buur u baxdo.
Abdirisaak Maxamed Siciid Shabcaan
Maakhir Media Calmadow

