|

Ciidamo Daacad U ah WadaadKa Atam oo Habeenkii Baadhitaan Ka Bilaabay Laag

Laag(MMedia) Ciidmada daacada u ah Wadaadka sida wayn uga soo horjeeda Maamul Goboleedka P/land ayaa Saacado badan la wareegay Tuulada Laag halkaas oo ay dhigteen laba isbaaro ay ay ku baadhayeen gaadiidka isaga kala goosha Boosaaso iyo Gobolada kale

Ciidaman ayaan wax dagaala la gelin kuwa P/land waxaana lagu soo waramayaa markkii ay ka war heleen Ciidamadii P/land u jooga Tuulada Laag inay isaga baxeen Tuuladaas waxaanay u dhaqaaqeen dhinaca Magaalada Ceelkhayr( ex-Ceeldoofaar) ka dibna waxay kusoo noqdeen waaberigii saaka markay ogaadeen inay dib uga noqdeeen Xoogagii Galgala ka kazoo ruqaansaday

Siday kusoo waramayaan dadka degaan Magaalada Laag ayaa sheegay inaanw ax iska horimaad dhicin si nabad gelyo ah ay u baadhayeen Gaadiidka wadada marayay wax lacag aanay ka qaadin laakiin waxaan la ogayn sababta keentay inay gaadiidka baadhaan ka dib ay dib ugu noqdeen fadhisimiihii ay markii hore ka soo dhaqaaqeen

Dadka socotoda ah ayaa warkan  waxay ku dareen in ay si wanaagsan ula dhaqmeen xiliyadii ay baadhitaanka wadeen Ciidamda Atam waxaanay dadka saran Gaadiidka ku amrayeen inay dhulka usoo degaan ka dib baadhitaan ayaa ku sameenayeen Baabuurta wax habayaraatee alaaba ah ama hantiya kalamay degayn baabuurtaas

Inkastoo mudooyinkii danbe ay jiraan waan waan laga dhex waday Wadaadka Atam iyo Maamulka Faroole hadana lama garan aro waxa kusoo beegay xiligan in Ciidamda Atam Habeenkii Badhaan Gaadiidka Siada nooc yada kala duwan Alaabooyinka Sabaha ay u baadhayeen. Waxa kale oo jirta in Ciidamadii P/land halkaas u joogay ay u baneeyeen kuwa Atam iyagoo ka taxadarayay inuu isku dhac yimaado

Maakhir Media Boosaaso  

Comments are closed