|

Dhaqaatiir ka socotay Sacuudiga oo Muqdisho soo gaaray+Sawiro

Muqdisho(MMedia) Dhaqaatiir ka socotay hey’adda aan xuduudda laheyn ee dalka Boqortooyada Sacuudaga ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Diyaarad qaas ah oo sidday ilaa Toban dhaqaatiir ah oo ka socotay hey’adda aan xuduudda laheyn ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta ka soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho,

Dhaqaatiirtaasi ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo ay ka mid ahaayeen R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka Gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise, wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/samad Macalin Maxamuud iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka iyo mas’uuliyiin kale.

Dhaqaatiirtan ayaa lagu wadaa in ay baaritaanno caafimaad iyo daweeyn lacag la’aan ah u sameeyaan kumanaanka barakacayaasha ah ee la ildaran cudurrada kala duwan iyo nafaqa darrida kuwaas oo ku sugan xerooyin ku yaala magaalada Muqdisho.

Waa markii ugu horreeysay ee dowladda Saciidigu Muqdisho u soo dirto gurmad caynkan oo kale ah tan iyo markii ay billowdeen howlaha loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee ku ceyrtoobay abaarta ka jirta dalka.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed