Madaxweyne Shariif oo Xaalada Deg Dega Kusoo Rogay Goobihii Alshabaab Ka Baxday
Muqdisho(MMedia) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dalka qaybo ka tirsan ku soo rogay xaalad deg deg ah kadib wareegto ka soo baxayday xafiiskiisa goor dhow.
Hadaba Qoraalkaasi ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Hoos ka fiirso.
Qodobka 1aad
Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13/08/2011 lagu soo rogay xaalad deg-deg ah goobahii ay ka baxeen Al-Shabaab.
Qodobka 2aad
Waxaa isla sidaasi oo kale lagu soo rogay xaaladda deg-degga Xirooyinka ay ku jiraan dhammaan barakacayaasha si loo sugo nabad-gelyadooda.
Qodobka 3aad
Waxaa reeban in la geeyo Ciidamo Beeleed goobihii laga xoreeyay Al-Shabaab iyo Xirooyinka ay ku jiraan barakacayaasha.
Qodobka 4aad
Waxii fal-denbiyeed ah ee ka dhaca goobaha iyo xirooyinka ku xusan Qodobka 1aad iyo Qodobka 2aad ee isla Xeerkaan, waxaa awood u leh inay qaado Maxkamadda CQS.
Qodobka 5aad
Sida uu qabo Qodobka 3aad ee Xeer-nidaamiyaha Nadabgelyada Guud Lr.21 ee soo baxay 16ka August 1963, waxay Dowladda qaadeysaa tilaabo kasta ee lagu sugayo nabad-gelyada iyo anshaxa guud ee goobahii laga xoreeyay Al-Shabaab iyo Xirooyinka Barakacayaasha.
Qodobka 6aad
Waxay Maxkamadda CQS awood u leedahay inay dhaqan-geliso Buuga Labaad ee Xeerka Ciqaabta CQS ee waqtiga dagaalka.
Qodobka 7aad
Xeerkaan ma khuseeyo goobihii ay horey uga jirtay nabadda, hase yeeshee haddii ay soo gaarto nabad-darro inta lagu jiro muddada uu tilmaamayo isla Xeerkaan, waxaa si toos ah uga dhaqangalaayo Xeerkaan.
Qodobka 8aad
Waxuu Xeerkaan jirayaa ilaa Seddex Bilood si looga gudbo marxaladda adag uu dalka ku jiro, waxuuna dhaqan gelayaa laga bilaabo maalinta uu ansaxiyo Madaxweynaha J.S. waxaana lagu soo daabacayaa Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Maakhir Media Muqdisho
