Golaha Guurtida oo Meel Mariyay Xeerka Doorashooyinka S/Land
Hargaysa(MMedia) Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xeerka furashada ururada siyaasadda oo dhawaan Golaha Wakiiladu meel mariyeen.
Fadhigii Golaha Guurtida ee maanta oo uu Guddoominayay ku simaha Guddoomiyaha Golaha Guurtida ahna Guddoomiye ku xigeenka aqalka Odayaasha Md. Sheekh Axmed Sh. Nuux Furre waxa ka soo xaadiray 53 Mudnae.
33 Xildhibaan ayaa ogolaaday xeerkan, waxa ka aamusay 4 Xildhibaan, halka 15 Mudane ay diideen xeerkan.
Xeerkan furashada ururada siyaasada ayaa loo gudbinaynayaa Madaxweynaha Somaliland si uu digreeto ugu soo saaro dhaqan galka xeerkan oo fasaxaya in dalka laga furan karo ururo siyaasadeed oo ka qeyb gala doorashada Goleyaasha deegaanka ee fooda inagu soo haya.
Xeerkani waxa kale oo uu jidaynayaa in urur kasta laga qaado lacag deebaaji ah oo dhan 150 Milyan oo shilin oo la mid ah 20 kun oo Dolar
Maakhir Media Hargaysa
