Maraykanka oo qorsheynaya in uu faragaelin Militeri ku sameeyo Somalia.
Somalia-(MMedia)-Maamulka madaxweyne Obama ayaala sheegaya in uu isu diyaarinayo sidii
uu faragelin Militeri ugu samaynlahaa dalka Somalia, iyadoo lagu
marmarsiyoonayo xaalada bani, aadantinimo ee ka jirta dalkaSomalia iyo
walaaca ku adan dadka macaluushu kasoo gaadhay abaaraha ku dhuftay
geyiga Somalia iyo guud ahaan geeska Africa.
Ururuka Alshabaab oo maraykanku u aqoonsanyahay koox argagaxiso ah,
islamarkaana maamula dhul badan oo ku yaala koonfurta iyo badhtamaha
Somalia ayaa is hortaagay gargaarka dadka ku macaluushan Somalia.
Sidii lagu qaaday hawgalka duqaymha ee Libya , iyadoo marmarsiinyo
laga dhiganayo in dadka rayidka ah ee reer Libya, gaar ahaan Benghazi
laga difaacayo gawraca nidaamka Libya , laakiin u ujeedada weyn intaa
ka durugsantahay ayaa waxaa maamulka madaxweyne Obama uu diyaargaraw
xoogan ugu jiraa in uu faragelin Militeri ku sameeyo Somalia , iyadoo
qiilku yahay in la difaacayo carruurta macaluulsan ee Somalia , waxana
tan loo arkaa mid la iskaga weecinayo indhah dadka maraykanka ,kuwa
caalamka iyo weliba indhaha somalida.
Ururka Alshabaab waxa uu leeyahay ciidan xoogan oo gaaraya 10,000
askari , sida lagu xusay warbixin uu soo saaray golaha maraykanka ee
xidhiidhka dibada, laakiin ciidamada daacada u ah ayaa gaaraya
boqolaal dagaalyahan, mana ah dagaalyahamiin si weyn ugu qiireysan
aydolojiyada Alshabaab ee xagjirniada ah.
Xarunta heer qaran ee maraykanka ugu qaabilsan ladagaalanka waxa loogu
yeero argagaxisada ayaa sheegtay in ururka Alshaab aanu wax xidhiidh
ah oo joogto oo micne ku fadhiya la lahayn shabakada Alqaacida ,
iyadoo waxyaalaha ay ku andacoonayaan Alshabaab uu yahay Laab-lakac oo
qudha.
Dowlada wadanka Maraykanka ayaa ku eedeysay ururka Aslhabaab in uu
qaybkayahay macaluusha xiligan xaadirka ah ka jirta Somalia,
“ argagaxisnimada aan debeca iyo arxanka lahayn ee Alshaab kala
horjeedaan dadkooda ayaa xaaladii awalba xumayd ka dhigtay mid aad u
daran markaa waa la filayey in xaaladu ay sii xumaato “ xoghayaha
amuuraha dibada ee dalka Maraykanka marwo Hilary Clinton ayaa sidaas
ku sheegtay hadal ay jeedisay asbuucii hore.
Washington ayaa in badan si cad u diiday in gargaar la geeyo meelaha
ay maamulaan ururuka Alshaabb ee ka baxsan dhulka dowlada federaalka
ku meelgaadha ah ee Somalia (TFG) ee caalamku aqoonsayahay , waxana
taa micnaheedu yahay in gargaarka lagu soo koobay dhawr mayl oo ay
maamusho dowlada taagta daran ee Somalia.
“ waxaa naga go,an in aan badbaadino nafaha dadka Somalia ee
macaluulsan , waxaanu awalba ka shaqaneynay meelo ka baxsan dhulak ay
maamulaan Aslhabaab, nasiib daro 60% dadka somaliyeed ee abaaruhu
saameeyeen waxa ay ku suganyihiin dhulka ay maamulaan Alshaab “ sidaas
waxaa shir-jaraa,id oo oo uu ku qabtay magaalada Lomdon ku sheegay
Donald Steinberg, oo ah ku xigeenka maamulaha Hay,ada gargaarka dibada
maraykanka ugu qaabilsan ee USAid .
Sanadkii 2009kii maraykanku waxa uu ku qasbay barnaamijka cuntada
aduunka ee WFPin uu joojiyo hawlaha uu ka wado Somalia , iyadoo ay
sabab u tahay in WFP ay caawineysay Alshaabab , waxana sheekadaasi soo
ifbaxday kadib markii la sheegay in WFP ay lacago baad ah siisay
Ururukaasi Alshabaab.
Madaxweynaha Isbahaysiga la ah Maraykanka ee Dalka Uganda Yoweri
Museveni ayaa ku baaqay in Koonfurta Somalia lagusoo rogo meelaha ka
caagan duulimaadka ee no-fly zone iyo weliba in cunaqabataynta lagu
adkeeyo kooxaha argagaxisada ah ee xidhiidhka la leh Alqaacida ee
Alshaab.
Hadaba sida uu sheegay General Carter F. Ham oo hogaamiya taliska
maraykanka ee Africa ee loo yaqaan Africom, ku rogitaanka dhulka
duulimaadka ka caagan ee Somalia ayaa looga goleeyahay oo keliya in
duulaan lagu qaado ururka Alshabaab, waxana Gen Carter F. Ham cadeeyey
in Maraykanku soo dhoweynayo khidada ama qorshaha lagu doonayo in
koonfurta Somalia lagu soo rogo aag diyaaradaha ka caagan, laakiin
waxa uu xusay in talabadaasi loo baahnayahay in ay marka hore ka
timaado quwadaha gobolka halkii ay ka imanlahayd Washington si aanay
wuxu u noqon wax uu maraykanku dabada ka riixayo
General Carter F. Ham ayaa intaa ku daray in marayakanku ka doonayo
midowga Africa ay qorshahaasi soo bandhiogaan si lamid ah qorshihii
aaga diyaaradaha ka cagaaran ee Libya oo markii lasoo rogayey ay soo
bandhigeen wadamada jaamacada carabta.
Dadka wax odorosa ee arimaha Somalia si dhow ula socda ayaa sheegaya
in duulaanka iyo faragelinta Maraykanka ee Somalia uu noqondoono mid
lagu weheliyo laakiin Maraykanku uu isagu yeelanyo kaalin hogaamineed
isagoo wata calan been ah ama bug ah.
Hawlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee AMisom ee uu maraykanku
taageero ayaa imika wada hujuum weyn oo ka dhan ah Maleeshiyada
Alshabab , iyadoo diriri xoogan ay ka socoto Mogadishu iyo meela kale
oo ka mid ah Koonfurta Somalia sida Ceel waaq oo Gedo ka tirsan.
Maraykanka ayaa goor horeba bilaabay in uu duqaymo ka geysto Somalia
waxana bishii june lasoo weriyey weeraro ay geysteen diyaaradaha aan
cidi wadin ee Drone-ka loo yaqaan
Xili hore ciidamo dhulka u degay oo watay diyaaradaha qumaatiga u kaca
ee Helicopter-ada ayaa dilay rag laga shakisanaa qaarna qabqabtay ,
ragaasi ayaa la aaminsanaa in ay ahaayeen mintid uu maraykanku ku
raad-joogay.
Weerarada maraykanka ee Somalia ayaa lagasoo qaada saldhig cusub oo ay
CIA-da marayaknku ku leedahay magaalada Muqdisho iyo Maraakiib cutubyo
ah oo roondeeya biyaha badda Somalia Iyo weliba saldhiga militeri ee
maraykanku ku leeyahay dalka jamhuuriyada Djibouti.
Ururuka Alshabab oo Maraykanku sheego in uu xidhiidh la leeyahay
ururweynaha Alqaacida ayaa gudoomiyaha gudiga aqalka Marayaknka ee
amniga gudaha Peter King ku tilmaamay in uu khatar ku yahay amniga
gudaha iyo kan qaranka ee maraykanka , waxana uu xusay in Alshab ay
qoranayaan dhalinayaro Somali-American ah si ay ugasoo dagaalamaan
gudaha soamlia.
Agaasimaha fulinta ee xarunta qaanuunka iyo amniga oo ku taala Newyork
haweenyda Karen Greenberg aayaa ka hortimi sheegashada Peter King ,
waxana maqaal ay ku qortay wargeyska caanka ah ee kasoo baxa dalka
Ingiriiska ee The Guardian ku tilmaantay in ay jirto hal qof
Somali-American ah oo lagu helay denbiga ah in uu ka barbar dagaalamay
Alshabab oo qudha, laakiin arinta laga badbadinayo.
Laakiin xaqiiqda dhabta ah marka la eego waxaa la rumaysanyahay in
tobanaan dhalinyaro Somali ah ay u jihaysteen si uga qaybqaateen waxa
iyaga la ah jihaadka Somalia halkaasi oo qaar isku qarxiyeen qaarna
lagu dilay.
Jawaabta maraykanka ee macaluusha Somalia waxa ay dadka xusuusineysa
hawgalkii Maraykanka ee Somalia ee Operation Restore Hope, markaasi oo
madaxweynihii maraykanka ee George Bush-ki weynaa oo maalmo kooban
xilka uga hadhsanaayeen uu qaaday hawlgalkaasi 5tii December 1992,
waxana Somalia loo diray 30,000 askar maraykan ah , iyadoo lagu
marmarsiyoonayey in ay gargaar cunto ah u geynayaan caruurta
macaluushu ku haystay Somalia.
Iyadoo Ururuka Alshaab aanu xiligaasi jirin ayaa khatartu ka
imanayesay dagaal oogihii Maxamed Faarax Caydiid oo soo baxay markii
ay burburtay dowladii Siyaad Barre , waxana la xasuusta in maraykanku
uu taagerayey nidaamkii Maxamed Siyaad Barre tan iyo sanadkii 1977kii
iyadoo laga horjeeday dalka Ethiopia oo isaguna taageero ka helayey
midowgii Soviet-ka.
Sanadkii 1991dii Markii uu maraykanku joojiyey taageeradiisi Nidaamkii
Siyaad Barre, islamarkaana ay burburtay dowladii Maxamed Siyaad barre
Somalia ma yeelan dowlada xasiloon, waxana imika ay hormuud u tahay
qaramada fashilmay ama guuldaraystay.
Madaxweyne Bill Clinton waxa uu sii waday hawlgalkii uu soo agaasimay
madaxweynihii xafiiska uga horeeyey ee Buushkii aabaha ahaa , isagoo
hawlgalkii u rogay qabsasho qaawan , laakiin iska caabintii Somalida
ayaa maraykanku ku qasabtay in uu ka baxo Somalia islamarkaana faraha
kala baxo arimaha Somalia wixii ka dameeyey sanadkii 1994tii kadib
markii diyaaradii maraykanka ahayd ee Black Hawk ama horgorkii
madoobaa la toogtay laguna soo riday Muqdisho , waxana marayakanka
yaxyax iyo wax aan la qaadankarin ku noqotay sida askartii maraykanka
loogu jiid-jiiday jidadka magaalada Muqdisho taasoo ay si xun uga
xanaaqeen shacabka maraykanku
Hawgalkii rajo soo celinta ee Operation Restore Hope waxa u imika
qaatay weji cusub , jamciyada shaqaalaha ee maraykanka oo horay oo loo
oranjray xisbiga shuuciyada ee sinaanta ayaa si weyn uga horyimi
duulaanka faragelinta ah ee uu maraykanku la maaganyahay dalka Somalia
ee xiligan xaadirka ah.
jamciyadaasi ayaa sheegtay in u dirista Somalia loo dirayo tobanaan
kun oo askari oo ay taageerayaan maraakiib dagaal , diyaaradaha
dagaalka ee jet-ka iyo helicopter-ada ay xaalada uga sii darsiinkarto
, waxana ururkaasi ku tilmaamay arinkaasi xadgudub qaawan oo ka dhan
ah madaxbanaanida dadka somalida , waxana uu ururukaasi sheegay in ay
talabadaasi tahay mid xaqiijineysa ku noqoshada gumaysigii iyo
adoomayntii qaawanayd ee lagu cadaadinayey dadka Africa iyo caalamka.
Wixii ka dameeyey fadeexadii iyo guuldaradii maraykanka ee Somalia ,
maraykanku waxa uu ka fekerayey sidii uu ugu noqonlaha dalkaasi
Somalia si uu u maamulo , waxana ay ku noqoshada maraykanka ee Somalia
qayb ka tahay ku tartamida qaarada Africa , waxana qalbiga
tartarnkaasi yahay khayraadka Africa, iyadoo qaaradaasi ay hodon ku
tahay shidaalka , waxan dasalkaasi Somalia ku fadhiyaa halka ay iska
jaraan ganacsiga caalamka eek an hawada iyo badda.
Somalia waxaa maalintiiba xuduudeeda hawada mara 90 duulimaad oo
ganacsi ah waxaana intaa dheer iyadoo marinada biyaha ee Somalia ay
muhiim u yihiin shidaalka laga dhoofiyo khaliijka iyo waqooyiga Africa
Maamulidda Somalia waa hadaf iyo yool weyn oo uu hiigsanoyo dalka
maraykanku , si uu usii wado imbaraadooriyadiisa iyo hayssahadiisa
caalamka islamarkaana uga hortago kuwa loolanku kala kula jira sida
china.
Maraykanka ayaa bartay xeelado kala duwan wixii ka dameeyey
guuldaraiisii Somalia ee saandkii 1994tii , waxana badanaa imika uu
isticmaala xoogag wakiil u ah oo ku sugan qaarada Africa, waana waxa
loo yaqaan dagaal-wakiil lagaagayahay ama (Proxy war) .
Iyadoo ay xeelada maraykanku ay tahay dagaal wakiileedkaasi ayaa
bishii December ee sanadkii 2006dii dowlada maraykanku taageertay
duulaankii Ethiopia ku qabsatay Somalia , iyadoo u jeedadu tahay in
ciidamada Ethiopia ay muqdisho ku ratibaan ama ku yagleelaan dowlada
maqaarsaarka ah ee Somalia .
Markii ciidamada Ethiopia halkaasi ka bexeen, Somalia waxaa loo diray
Ciidamo wata calanka Midowga Afric oo lagu magcaabo Amisom , waxana ay
ka koobanyihiin cutubyo ka kala socda dalalka Uganda iyo Burundi ,
ciidamada Amisom ayaana ku qalabaysan hubka aduunka ugu casrisan
waxana tababara tababarayaal American ah .
Inkastoo maraykanka ka go,antahay in uu faragelin ku sameeyo Somalia
si uu usoo ceshado karaamadii kaga dhuntay Somalia , islamarkaana
halkaasi ugu ilaashado masaalixdiisa iyo danihiisa, waxana marakan
maraykanku iskuqarinayaa hawgalka Bani,aadantinimada ee Somalia isagoo
iska dhigaya mid wax caawinaya
Qalinkii: C/rashiid Muuse Siciid
Maakhir Media Network
