|

Raysal wasaare Abdiwali Gaas oo maanta la kulmay wafdigii QM ka socday oo saaka soo gaadhay Muqdisho

Muqdisho-(MMedia)-R/wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo ay hoggaamineeysay ku xigeenka xoghaya guud ee Q/Midoobay ee dhinaca bani’aadanimadda.

Wafdigan oo duhurnimadii maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay si toos ah u abaareen xafiiska R/wasaaraha halkaas oo ay kulan kula qaateen, kaas oo ku saabsanaa sidii loo taakuleyn lahaa dadka tabaaleysan loona sugi lahaa amaanka .

R/wasaaraha oo kulankaasi kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in haweeneeydaasi ay ka wada hadleen sidii loo ballaarin lahaa gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan iyadoo dowladduna ay sugi doonto amaanka.

Sidoo kale haweeneydaasi ah ku xigeenka xoghayaha guud ee Q.Midoobay ee dhinaca bani’aadanimada Floria oo hadashay ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay wax qabadka xukuumadda R/wasaare C/weli isla markaana ay rajeyneeyso in ay ku guuleeysan doonto suguda amniga guud ee dalka.

Maanta ayay soo gaadheen magaalada Muqdisho wafdiagn heerka sare ah iyadoo ay ahaayeen QM una socday sidii ay u indha inadhayn lahaayeen dadka ay abaartu samaysay.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed