QM”Somaaliya oo Abaar la taagdaran Ayaa hadana waxa Haleelaya Cuduraka Daacuunka
K/Somalia-(MMedia)-QM yaa shaaca ka qaaday in dadka barakacayaasha ah ee kunool xeryaha qaxootiga uu soo wajahay daacuun calooleed kaasi oo ay dad badani ku dhinteen iyadoo ay sidoo ay M sheegtay in Abaarihii ay ugu darsameen Daacuun calooleedka .
Dadkan barakacayaasha ah ayaa waxaa samayn ku yeeshay abaar aad ba’an taasi oo ay uga soo carareen xoolahoodi iyo guryihii ay ku lahaayeen baadiyaha ,sidoo kale abaarta ka jirta w=koonfurta Somaliya oo aan waligeed Soo marin Dalka somaaliya oo dhan.
Afhayeen u hadlay Hay’adda WHO Tarek Jasarevic ayaa tilmaamay in cudurka Kalooraha uu ka dilaacay Xeryaha ay dadka kusoo barakaceen ee ku yaalla Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay sheegeen in ilaa 181-qof ay ilaa hadda u geeriyoodeen cudurkaasi.
Tarek Jasarevic ayaa waxaa uu sheegay in kiisas farabadan oo ku saabsan Cudurka Kalooraha ay ka heleen Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho, isagoo hadlkiisa sii raaciyay in meelaha ay u badan ee sida badan uu faraha ugu hayo cudurkaan ay yihiin goobaha barakacayaasha ah ee halkaasi oo uu sheegay inay ka jiraan nadaafad daro baahsan.
Tarek Jasarevic Afhayeenka Hay’adda WHO ayaa ugu dambayn xusay in Hay’adda WHO ay sido kale ogootay in Cudurka Kalooraha uu ka dilaacay qeybo ka tirsan dalka Soomaaliya kadib markii ay baaritaano xariir ah ku samayeen xeryaha gudahooda.
Iyadoo ay Abaar aad u daran ay ka taagan yahay somaaliya gaar ahaan Koonfurta Somaaliya ayaa waxaa hadana dadka soo hadheeyay xanuunka loo yaqaano daacuun calooleed iyadoo ay dad badani ay k dhinteen kuwa kalena ay u ildaran yihin.
Maantana iyadoo ay shaacisay in Dadka soo barakacay ay la taagdaran yihiin gaajo iyo macaluul ayaa hadana waxa soo hadheeyey daacuun calooled ayaa waxa soo gaadhay wafdi balaadhan oo qaramada midoobay ka socda halkaasi oo ay u kuur galayaan xaalada abaaraha ka taagan somaaliya iyagoo booqan doona xeryaha ay degen yihiin dadka soo barakacay.
Maakhir Media K/Somaaliya
