|

Yuweri Museveni “Somaliya waxaan ugu Deeqnay 2 kun oo askari”

Kampala-(MMedia)-Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni oo la hadlayay Warbaahinta dalkaasi ayaa waxa uu balan qaaday in 2-kun oo ciidamo dheeraad ah inuu u soo dirayo wadanka Soomaaliya si ay u xaqiijiyaan amaanka magaalada Muqdisho islamarkaana ay u xoojiyaan ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka.

Mr. Museveni ayaa tilmaamay in ciidamadaasi la geyn doono goobihii ay baneeyeen maalmo ka hor ciidamada Al Shabaab ee magaalada Muqdisho si halkaasi aysan ugu soo laaban Xarakada Al Shabaab ugana  sameystaan fariisimo Milatari oo amaanka ay ku sugayanaa, isagoo Madaxweynaha rajo wanaagsan ka muujiyay in ciidamadaasi ay wax badan ka qaban doonaan xaaladaha nabad galyo ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Afhayeenka ciidamada AMISOM Paddy Ankunda oo isna ka hadlay ciidamada cusub ee lagu wado in la keeno Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in kordhinta ciidamada AMIOSOM ay wax  kasii badali karto xaalada amaan ee magaalada Muqdisho, waxaana uu intaasi ku daray in Al Shabaab ay kaga guuleysteen dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada

Dhawaan ayay ahayd markii madaxwaynaha Somaliya u socdaalk ku tagay kadib bixitaankii magaalada Muqdisho ay ka bexeen Alshaab isagoomadaxwyanaha  dalka uganda ka codsaday in uu ciidamo dheeri ah usoo diro somaliya si ay u caawiyaan ciidamada kale ee hatan jooga ,kadibna waxaa  uu u balan qaaday in  keeni doono ciidamo gaadhaya 2 kun oo askari.

Maakhir Media Uganda.

Comments are closed