Wafdi Balaadhan oo ka socota QM oo Saaka Soo gaadhay Muqdisho
Muqdishi-(MMedia)-Wafdi Balaadhan OO ka socda QMa ayaa soo gaadhay maanta caasimada Somaaliya Ee muqdihso kuwaasi oo u socday in ay indha indheeyaan xaalada Abaared ee ka tagan Somaaliya.
Wafdigaani ayaa la sheegay inay hogaaminaysay Madaxa Arimaha Bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay Haweenayda lagu magacaabo Faleria Amos, waxaana Wafdigaani ay booqasho ku marayaan Xeryaha dadka soo barakacay ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Waxaa sidoo kale ay kulamo kala duwan ay la qaadan doonaan Madaxda Sare ee DKMG ee Somaaliya iyagoo kala hadli doonaa xaalda dadka abaaruhu samayeen iyagoo sidoo kalen booqan doona xeryaha ay ku nool yihiin dadka kasoo bara kacay colaadihii iyo abaaraha kala gadisan.
Wafdigana ayaa ku soo beegmaya xili ay xaalada magaalada muqdisho ay degntahay taasina ay ugu wacan tahay kadib markii ay alshabaab ka baxday magaalada muqdisho,isku soowada xooriyoo waxaa ay wafdigan u yimaade sidoo ay xaalada somaliya gargaar ugu fidil lahaayeen dadka tabaalaysan.
Maakhir Media Muqdisho
