Garowe oo laga xusey maalinta dhalinyaradda aduunka
Garowe -(MMedia)-Munaasib lagu xusayo maalinta dhalinyaradda aduunka oo ku aadan 12 bisha Agost ayaa maanta ka dhacdey xarunta wasaaradda Shaqadda iyo shaqaalaha , dhalinyaradda iyo ciyaaraha Puntland ee magaladda Garowe.
Madasha munaasibaddani ka dhacdey ayaa waxa ka soo qayb galey masuuliyiin uu ugu horeeyo madaxwayne ku xigeenka Puntland,xubno ka socdda labadda Gole ee xukuumadda iyo Baarlamaanka Puntland,qaarkamid ah masuuliyiinta ururadda dhalinyaradda,iyo marti sharaf kale oo dhalinyaro u baddan.
Gudoomiyaha daladda Dhalinyaradda Mudan Maxamed Muuse Maxamed oo ku hadlayey afka dhalinyaradda ayaa waxa uu tilmaamey in heerka dhalinyaradu ay ku gaari karto hogaanka dalka ee beri ay tahey iyadoo oo dalka daafihiisa laga hirgaliyo Dimuqraadiyad iyo nidaamka Asxaabta baddan.

Duqa dagmadda Garowe C/casiis Nuur Cilmi ayaa isna dhankiisa ku booriyey dhalinyaradda reer Puntland in ay noqdaan kuwo ka shaqeeyo bilicda iyo hormarka Caasumadda waxaana uu sheegey in maamulka dagmadda uu la shaqayn doono uraradda dhalinyaradda reer Puntland.
Gaba Gabadda munaasibada ayaa waxa soo xirey madaxwayne ku xigeenka Puntland Gen Cabdi Samad Cali Shire waxaana uu aad ugu dheeraddey doorka dhalinyaradu ay ku leeyihiin xukuumadda Puntland isagoo shaaciyey in xukuumadda Puntland ee hadda ay tahey xukuumad dhalinyaradda tixgalisa waxaana uu dhalinyaradda dhankeeda ku booriyey in ay la shaqeeya ciidamadda amaanka oo ay ka fogaaddan kooxaha sumcad iyo magaca Puntland hoos u dhigaya sidda Burcad baddeda iyo kooxaha Argagaxisadda ah.
Faduma Abdirisak Awed
Maakhir Media Garowe






