Obama oo Afur u sameeyay Muslimiinta Ku Nool Dalka Maraykanka.
Washiton-(MMedia)-Madaxweyne Obama oo xafladaas afurka ahayd ee uu ku casuumay muslimiinta dalkaas Mareykanka hadal ka jeediyey ayaa waxaa uu sheegay inuu islaamku yahay mid ka mid ah dalka Mareykanka, Madaxweyne Obama ayaa waxaa uu halkaas ku xusay dadkii muslimiinta ahaa ee ku geeriyooday diyaaradihii lagu qarxiyey World Trade Center oo uu ku sheegay inay ahaayeen halyeeyayaal u dhintay wadankooda,
islamarkaana ay taariiqdu waligeed xusi doonto, asagoona intaas raaciyey in dadka Mareykanku uu yahay qoys kaliya oo aan la kala sooc sooci karin, Ma jiraan wax la dhaho iyaga iyo anaga waxaan wadanaha anaga Ha qaldamina dadka muslimka Mareykanka ah waa dad mar waba naga caawiyo nabad gelyada ayaa hadaladiisana ka mid ahaa madaxweyne Obama.
Ugu dambeyntiina iyadoo ay tahay sanadkii 3 aad oo uu madaxweyne Obama afurkaas u sameeyo qaar ka mid ah dadka Muslimiinta dalkaas Mareykanka ayaa waxaa uu fursadaas kaga faa´iideystay inuu halkaas ku xuso muslimiintii ku geeriyootay 9/11 ee sanadkii 2001 iyadoo ay goobtaasna ku sugnaayeen muslimiin ka badbaaday dhibaatadaas dhacday 9/11 2001 oo dhawaantaan la xusi doono 10 sano guuradeedii, xafladaas ayaa waxaa la sheegay inay sidoo kale lagu casuumay safiirada wadamada Islaamka ee dlakaas Mareykanka u fadhiya.
Maakhir Media Washiton.
