|

Hillary Clinton”Somaliya Lacag Dheeri ah ayaan ugu deeqnay

Washiton -(MMedia)- Xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Mareykanka Hillary Clinton ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Mareykanka ay lacago gar-gaar ah ay ugu deeqayso dadka dhibaatada daran ay kasoo gaartay abaarta ka jirta wadanka Soomaaliya.

Hillary ayaa hadalkaan ka sheegtay qudbad ay ka jeedisay Jaamacad ku taala dalka Mareykanka, iyadoo tilmaamtay in lacagtii horay ay dowladeeda ugu deeqday Soomaaliya oo gaaraysay ilaa $17 Million ay hadda ku kordhisay $12 Million si wax looga qabto abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.

Mss. Clinton ayaa sidoo kale ku sheegtay qubadeedii ku aadanayd xaaladda abaareed ee ka jirta Soomaaliya in gar-gaar dibadda looga keeno dadka dhibaataysan oo ay wax yeelaysay baarta uusan ahayn xalka dhibaatada balse loo baahanyahay sida ay sheegtay in la sameeyo mashaariic kala duwan oo uu ka mid tahay in laga taageero dadka Soomaaliyeed dhanka wax soo saarka beeraha si loo helo cunno ku filan shacabka.

“Ma ahan oo kaliya in beesha Caalamka ay ku dadaasho wax ka qabshada abaarta ka jirta Soomaaliya balse sidoo kale waxaa loo baahanayhay in diirada la saaro sidii dadka loo bari lahaa inay iyaga wax soo saartaan si ay uga baxaan dhibaatada cunno yarida ah ee haysata shacabka Soomaaliya” sidaasi waxaa sheegtay Xoghayaha arimaha dibadda ee dowladda Mareykanka.

Hada ka hor ayay dawada maraykankuugu deeqda dalka Somaaliya  lacag dhan 17$ Malyan  iyadoo ay ug tala gashay in ay dadka abaaruhu saamyen ay siiyaan ,hillery aya iyana sheegtay n ay lacag kale ugu deeqayaan Soomaaliya.

Maakhir Media Washiton

Comments are closed