Shikikh Xasan Daahir Aways”Al-Shabab khilaafbay Muqdisho uga Baxday”
Muqdisho-(MMedia)-Kadib markii Xarakada Al Shabaab ay baneeyeen inta badan magaalada Muqdisho ayaa Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Saraakiisha Al Shabaab oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta waxa uu sheegay inuu jiro qilaaf u dhaxeeya Saraakiisha Al Shabaab.
Xasan Daahir ayaa sheegay in qilaafka u dhaxeeya Al Shabaab uu salka ku hayo ka bixitaankii Al Shabaab ee magaalada Muqdisho oo uu xusay in mar hore loo baahnaa iyo xuskii degmada Afgooye loogu sameeyay Hogaamiyihii Al Qaacida Sheekh Usaama oo raga qaar ay diidanaayeen inkastoo taasi uu Xasan sheegay in markii dambe la xaliyay.
Sarkaalkaani ayaa waxa uu sheegay in marar badan ay soo jeediyeen isaga iyo Saraakiil kale oo ka mid ah Al Shabaab inay isaga baxaan magaalada Muqdisho si dagaalka ay uga dhigaan sida kuwa dalalka Pakistan iyo Afghanistan balse waxa uu cadeeyay in arintaasi ay ka biya diideen qaar kale oo Saraakiisha ka mid ah, isagoo sheegay inay qalad aheyd in la is hortaago ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM maadama sida uu sheegay ay wataan taangiyo dagaal Al Shabaana aysan heysan taangiyo ay ku dagaalamaan.
Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu sheegay in Al Shabaab ay wali ku harsan yihiin qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho islamarkaana ay sii wadaayaan dagaalada ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo uu sheegay inay u badalanaan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah inta ay dalka ka saarayaan.
Waa markii ugu horaysay o y Alshabaab ka hadasho bixitaanka ashabaab taaso oo ay shegeen in ay taatikada ay u badalayaankudhufoo ka dhaqaaq iyadoo ay taasi la icna tahay sida ay u dagalaaan Taalibaan oo ka dagalanta afgaanisytaan iyo Pakistan sidoo kale waxay kuu macnaynaysaa inay xidhiidh wadagaan.
Maakhir Media Muqdisho
